U bood dhigaalka

Dagaal Xooggan oo Markale Ka Qarxay Magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Waxaa Saakay markale dagaal xoogga uu dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, kaas oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka, dagaalka ayaa yimid xilli Magaaladu deganeyd maalmihii lasoo dhaafay oo ay dhaqan gashay xabad joojin iskeed uga hirgashay dhinacyada.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan dagaalka oo bilowday waabigii salaadda Subax kadib, uu ka qarxay dhowr jiho oo magaalada ah, gaar ahaan dhinacyada Galbeedka  iyo Bariga, sida ay sheegayaan wararka soo gaaraya halkaas, waxaana sidoo kale la maqlayaa daryanka Madaafiic xooggan oo ku dhacaya qeybo kamid ah magaalada.

Dhinacyada dagaalamaya ayaa isku eedeynaya in mid waliba isagu weerarka soo qaaday, xukuumadda Muuse Biixi ayaa sheegatay in ciidamo Puntland iyo kuwa deegaanka ay weerar kusoo qaadeen, walow dad deegaanka ay sheegayaan in ciidanka Somaliland oo wata gaadiid dagaal iyo hub culus ay soo gaareen duleedka magaalada.

Magaalada qeybo kamid ah ayaa waxaa lasoo sheegayaa in ay ku dhacayaan madaafiic ay soo ridayaan ciidanka Somaliland, kuwaas oo lala beegsanayo goobaha dadka Rayidka ah, xilli dowladda federalka, Qaramada Midoobey Beesha Caalamka ay ka digeen beegsiga goobaha dadka Rayidka ah ee magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Laascaanood ayaa maalmihii ugu dambeysay aheyd mid degan, waxaana la filayay dhaqan galka jeshii ay wada gaaraan dhinacyada, kaas oo ay garwadeen ka aheyd dowladda Itoobiya, dagaalka ayaa kusoo aadaya xilli loogu baaqayo dhinacyada in ay isugu yimaadaan liiska wada hadalka si loosoo gabagabeeyo dagaalka ka socda.

Goobjoog News