U bood dhigaalka

Dagaal Yahanno Ka Tirsan Daacish Oo Lagu Dilay Duqeyn Cirka Ah Oo Ka Dhacday Siiriya

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 32 ruux oo ka tirsan  dagaalyahannada Daacish ayaa lagu dilay weerar  la aaminsanyahay in ay qaadeen diyaaradaha dagaalka dalka Mareykanka.

Hay’ad u dooda xaquuqda adanaha oo saldhigeedu yahay dalka Britain ayaa sheegtay in weerarkan oo ka dhacay magaladda Raqqa oo ku taalla waqooyiga siiriya la la beegsaday 15 weerar oo dhanka cirka ah.

Magalaada Raqqa waxa ay in muddo ahba bartilmaameed u aheyd isbaheysiga Mareykanku uu hogaaminayo, Dowladda Siiriya iyo diyaaradaha dagaalka ee ruushka.

Isbaheysiga Mareykanku uu hogaaminayo waxa ay ballaariyeen duqeynta ay ka wadaan dalka Siirya wixii ka dambeeyey weerarkii Paris.

Xilli ay sii xoogeysanayaan dadaalladda looga soo horjeedo Daacish dhawaanna ay ku biirtay Dowladda Britain dagaalka ka dhanka ah Is ayaa haddana madaxweynaha dalka Siiriya oo wareysi siiyey wargeys ka soo baxa dalka Britain ku sheegay in dowladdiisu aad uga soo horjeeddo go’aanka UK ay ku gaartay in ay Siiriya duqeyn ka geysato.

Madaxweyne Asad ayaa tilmaamay duqeyn kasta oo UK ka geysato dalka Siiriya in ay tahay mid sharci darro ah.

Asad waxa uu aad u cambaareeyey wadamada reer galbeedka oo uu sheegay in ay collaadda dalka Siiriya ay sii hurinayaan.

Baarlamanka dalka Britain ayaa u codeeyey in dowladoodu ay ka qeyb qaadato dadaaladda caalamiga ah ee looga soo horjeedoDaacish iyada oo ciidamada dalka Britaina ay si toos ah uga qeyb qaadanayaan duqeynta kooxda Daacish lagu hayo.

Britain ayaa bilaawday in ay duqeyso xarumo ay ku xooganyihiin Daacish maalintii Khamiista ahayd, maalin un kadib markii baarlamaanku ansixiyey qorshahaas.

Dowladda Siiriya ayaa ku soo cel-celisay in dadaal kasta oo caalami ah oo lagu cirib tirayo ururka Daacish uu guul dareysan doono inta aduunku uu arinkaa kala shaqeynayo dowladda Siirya oo hadda taageero hiil iyo hoo ah ka heleysa dalalka Ruushka iyo Iran iyo ururo shiica ah.

Goobjoog News