U bood dhigaalka

Dagaalamayaasha Al-shabaab oo Weerar Ku Qaaday Saldhig Ku Yaalla Galgaduud

Sheeko:Amniga

Waaberigii hore ee maanta Al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday xero ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay ku leeyihiin deegaanka Masagawaay ee Gobolka Galgaduud.

Ciidmada dowladda Federaalka iyo dadka deegaanka ayaa iska difaacay weerarka kaga yimid, Al- Shabaab sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Waxaa sidoo kale lagu sheegay in ciidmada dowladda ay ka war qabeen weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, taas oo keentay in ay iska difaacaan weerarka dagaalamayaasha kooxda, islamarkaana lagu gaarsiiyay jab xooggan, ciidamadana ay ku raadjoogaan kooxdii weerarka ku soo qaaday saldhigga ciidamada dowladda ee Masagawaa.

Masagawaay oo ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa waxa ay ka mid tahay deegaannada dhowaan Al-shabaab laga xoreeyay, waxaana weerarkaan uu ku soo aadayaa xilli dowladda ay sheegtay in uu soo dhammaaday u diyaar garoobidda wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka Al-Shabaab oo qeyb ka yihiin ciidamada ka socda dalalka safka hore.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya ayaa Al-shabaab muddo sanad gudihiis ah kaga saaray deegaanno badan oo dhaca Hirshabeelle iyo Galmudug, waxaana madaxweynaha Jamhuuriyadda uu hore u sheegay in ay ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro muddo laba sanno gudahood sida uu marar badan ka sheegay goobo kale duwan.

Goobjoog News