U bood dhigaalka

Dagaalka Beelaha Ma Yahay Dhammaadka Al-Shabaab?

Sheeko:Amniga

Doorashadii dhacday sannadkan May 15, 2022, ee foolatay hoggaaminta madaxweyne Xasan sheikh kaddib, madaxweyne Xasan waxaa uu hortabin ka dhigtay ladagaallanka Shabaab, iyada oo beelo badan ka jawaabeen. Iskaashi dhexmaray Macawisleyda beelaha iyo ciidanka xoogga dalka ayaa keenay in Shabaab laga saaro dhammaan Degmooyinka Hirshabelle.

Haddaba,  Dad badan waxay su’aal ka keeneen hawlgelinta ciidanka Macawisleyda iyo miradhalka dagaalka ay qeybta ka yihiin qabiillada. Si arrintaas looga gungaaro, waxaan qormadan dib u milicsan doonnaa taariikhda dagaallada diimeed ee ka dhacay Soomaaliya, dowrka qabiillada ay ka qaateen jabka kooxda xajirka diimeed ah ee ka kacay Soomaaliya.

Soomaaliya waa dal ay dadkiisa muslim soo ahaayeen muddo fog oo aan la hubin xilliga ay diinta soo gaartay, waxaase hubanti ah in carrada Soomaaliyeed ay hadba soo gaarayeen dariiqooyin diimeed oo xambaarsan saxwooyin Islaami ah oo hadba kan cusub uu sheeganayay in ay diinta cusbooneysiinayaan, koox walba marka ay timaad waxay la heyd hoggaamiye ruuxi ah oo ay ka qalin daartaan kaas ayayna aakhirkii dahar ka agsameyn jireen qabrigiisa si marka dambe loo soo siyaarto.

Sida taariikhda dhigeyso koox ama dariiqo walba marka ay muddo ku jirto fidinta diinta, oo ay kasbato dadweyne taabacsan, ha joogo aasaasihii firqada ama ha dhinto oo culumo kale ha hoggaamisee, waxaa dariiqada ka soo baxa koox xagjir ah oo isbidda awood in ay ku hirgeliyaan madhabka ay wadaan ama ay gacanta ku dhigaan maamulka dalka iyada oo si ay hanti iyo taageero ku helaan soo roga tallaabooyin ama dhisa maamul aruuriya zakawaatka ama canshuurta qeybaheeda kala duwan, waxaa kale oo taariikhiyan jirta in maamulkaasi Islaamiga ah marka uu soo rogo dhaqamo ka baxsan caadada iyo sooyaalka Soomalaida ay ku kacaan beelaha, lana diido awaamiirtooda.

Haddaba aan tusaale u soo qaadanno labo dariiqo oo dagaal ku galay Soomaaliya kuwaa oo ugu dambeyn ku jabay, waxayna kala yihiin;  dariiqada Axmaddiya iyo Dariiqada Saalixiya.  Sannadka mar la qiyaasayo in uu ku beegnaa 1836, waxaa Baardheere ka aasaasantay jameeco Axmaddiya ah oo xagjir ah uuna hoggaminyay Sheikh lagu magacaabo Sheikh Cali Duure, waxayna ku baaqeen in ay hirgalinayaan maamul Islaami ah oo diinta saxda ah dadka ku xukuma, labo sano kaddib waxaa hoggaanka kooxda la wareegay Sheikh Abikar Aadan Dhuurow kaas oo hoggaaminayay kooxda illaa 1839 inta aysan la wareegin talada labada Sheikh ee kala ah Shariif Cabdiraxmaan iyo Shariif Ibrahim kuwaa oo talo ku gaaray in ay baahiyaan xukunka islaamiga ah. Kooxdaan waxay dagaal la galeen Warday (Oromo), Beeralay degganeyd koofurta Baydhaba, Jamaacooyin kale oo diimeed oo degganaa Baraawe, waxayna isku ballaariyeen inta u dhaxaysa Marka  iyo Luuq.

Sida uu dhigayo buugga uu qoray Lee V.  Cassaneli ‘‘the Shaping of Somali Society’’ Sannadku markii uu ahaa 1843 kooxda waxay isku dhaceen qabiillada daga inta u dhaxaysa labada Wabi oo uu hoggaamiye u yahay suldaanka Geledi Yusuf Muxamuud oo taageero ka helaya beesha Silcis. Isku dhaca beelaha iyo jihaadiyiintii saldhigga u ahaa Baardheere wuxuu keenay jab xooggan oo ku dhaca kooxda, waxaana u suurto gashay ciidankii uu hoggaaminayay Suldaan Yusuf in ay qabsadaan Baardheere ayna halkaa ku dilaan hoggaamiyaasha kooxda Sheikh Sharif Cabdiraxmaan iyo Shariif Ibrahim, waxayna soo xirtay jihaadkii kooxda.

Tusaalaha Labaad waa halgankii dariiqada Saalixiyada. Xilligii gumeysiga uu dalka ka talinayay, waxaa dalka ka jiray kacdoono qaarkood ay  hoggaaminayeen wadaaddo, aan ka soo qaadanno Sayid Maxamad Cabdulle oo ka tirsanaa dariiqada Saalixiyada. Marka dib loo milicsado taariikhda halganka uu hoggaaminayay Sayidka waxa uu salka ku hayay madhabka saalixiga oo uu ka mid ahaa waxa uuna rabay in la dhiso maamul islaami ah, marka laga tago maamullada gumeysiga ee dalka ka jira sida Biritishka iyo Talyaaniga, ciidanka Sayid Maxamad waxay isku dhaceen qabiilada deegaannada Mudug,Bari, iyo Waqooyi, haddaan si kale u dhaho waxay isku dhaceen Majeerteen, Isaaq (habar yoonis), iyo hawiyaha daga gobolka Mudug, taas waxay dhashay in ay kaga hiiliyaan gumeysiga sidaana uu ku jabo Sayidka, halkaana waxaa ku soo af jarmay halgankii ay Saalixiyo ku dooneysay in ay maamul kaga yagleelaan Soomaaliya.

Haddaba taariikhda waxay na baraysaa dhawr arrin oo kala ah:-

  • Mar walba oo ay isqabtaan qabiillada iyo kooxa diinta waxaa guuleysta dadka deegaanka ee qabiilka ah.
  • Koox walba oo diimeed marka ay dalka yimaadaan waxay u kala jabaan labo; koox xagjir ah oo damacda inay xoog ku hirgeliyaan mad-habkooda iyo koox dadka la macaamisha oo ku sii dhex noolaata bulshada.
  • Kooxaha jihaadiga diimeed ah waxay Soomaaliya ka qarxaan qarnigiiba mar iyaga oo sheegaya in ay diinta cusbooneysiinayaan.
  • Koox walba oo jihaadi ah waxay jirtaa inta u dhaxaysa 15-25 sano, kaddibna waxay isku dhacaan dadka qabaa’ilka ah, waxayna ka baxaan saaxada.
  • Waxaase dadweynaha si nabad ah uga sii dhex faafa saxwada dariiqada oo ay hoggaaminayaan garabkii madaniga ahaa.
  • Dhammaadka qarniga labaatanaad waxaa dalka Soomaaliya soo gaaray mad-habka Salafiga ah ee Al-itixaad, waxayna ku kala jabeen koox xagjir ah oo ay hadda ka dambeeyaan Al-shabaab iyo koox madani ah.

Madaxweyne Xasan sheikh markii uu talada yimid wuxuu ballanqaaday in uu la dagaallamayo Al-shabaab, isaga oo la yimid aragti cusub oo ah In dadka deegaanka lagu kiciyo kooxda, qabiillo badan ayaa hubka qaatay waxayna dhashay in kooxda laga saaro dhul ballaaran oo ay horay dowladda uga saari weysay. Dagaalka Al-shabaab iyo qabiillada wuxuu dhali doonaa dhammaadka Al-shabaab iyo soo ifbaxa koox diimeed cusub taa oo muddo kaddib qeyb ka mid ah isku rogeyso koox jihaadi ah.

Haddaba, dowladda waxay heysataa fursad ay kaga guuleysan karto Al-shabaab, waxaase looga fadhiyaa in ay dhisto hey’ado dowli ah oo ilaaliya diinta kuwaa oo ka hortaga in aysan dillaacin koox diimeedyo cusub.

Qore: Hassan Mohamud Mohamed

Goobjoog News