U bood dhigaalka

Dagaalka Canfarta Iyo Soomaalida Oo Sababay Dhimashada Soomaali Badan

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya dhulka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay maalmihi la oo dhaafay uu ka dhacay deegaan lagu magacabo Garbo-ciise oo u dhaxeeya xadka Canfarta iyo Soomaalida kala qeybiya.

Dagaalka ayaa la sheegay in ay kooxa canfar ah oo hubeysan ay ku soo qaadeen dadka deegaanka, illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Canfarta iyo Soomaalida u dhaxeeyo ee ka socda deegaankaas.

Wararka ayaa sheegaya in inkabadan 43- qof oo Soomaali u badan deegaanka Garbo-ciise lagu dilay labadi maalin ee la soo dhaafay.

Maamulada gobalada Soomaalida iyo Canfarta ayaan dhankooda weli ka hadlin dagaalka u dhaxeeya labada qowmiyad ee oodwadaagga ah.

Dowladda Itoobiya ayaan dhankeeda weli soo kala dhax galin labada ciidan, xilli dhanaceeda dagaal sanad qaatay ay kula jirto Tigrayga.

Dagaalada Canfarta iyo Soomaalida ayaa ahaa kuwa aad u soo noqnoqonayay muddooyinkii la soo dhafay, kadib markii uu talada la wareegay maamulka Madaxweyne Cagjar.

Deegaanka Garbo-ciise ayaa ka mid ah dhulka Soomaalida, xilli maamulkii madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Cabdi Ileey uu u saxiixay canfarta, balse markii talada ay la wareegeen maamulka Madaxweynaha hadda jooga ee Mustafa Cagjar ay ku tilmaameen in ay sharci darro tahay sidaasne loogu soo celiyay gacanta Soomaalida.

Canfarta ayaa la sheegay in ay weli ka biyo diidan tahay in gacanteeda laga saaro deeganka, xilli labada maamul dhowr jeer ay heshiis nabadeed kala saxiixdeen.

Goobjoog News