U bood dhigaalka

Dagaalka Ka Socda Laascaanood iyo Madaafiic Lagu Garaacay Magaalada

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarao magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa ay sheegayaan in ciidamada Somaliland ay madaafiic ku garaaceen magalaada subaxnimadii hore ee saakay, sida ay sheegayaan wararka.

Sidoo kale dagaal xooggan oo dhaxeeya ciimada Milatariga Somaliland iyo xoogagga deegaanka ee SSC ayaa ka socda dhinaca Waqooyi ee magaalada, waxaana laga soo warinayaa in dagaalku yahay mid aad u xooggan.

Dagaalka saakay ka qarxay magaalada ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalmihii tagay magaaladu ay yare daganeyd, Somaliland ayaa lasoo sheegayaa in ay soo qaaday dagaalka saakay qarxay oo ku bilowday madaafiic.

Goobjoog News