U bood dhigaalka

Dagaalka Laascaano oo Ku Dhow 20 Cisho iyo Dadkii Ka Barakacay oo Wajahaya Xaalad Adag

Sheeko:Amniga

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa wali ka dhacaya dagaalka u dhaxeeya ciidanka Somaliland iyo kuwa deegaanka, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay sii kordheyso saameynta uu yeelanayo, waxaana magaalada isaga baxay inta badan shacabkii ku noolaa marka laga reebo askar iyo dad faro ku tiris ah.

Barakacayaal ka badan  60,000 oo reer Laascaano ah,  oo u badan kuwooda  jilacsan ee haweenka iyo carruur, ayaa u qaxay deegannada Ismaamulka Soomaalida Itoobiya dhowrkii toddobaad ee la soo dhaafay, si ay uga baxsadaan iska horimaadyo iyo falal ammaan darro oo ka dhacay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Madaafiicda ay adeegsanayaan ciidamada Milatariga Somaliland ee aan loo aabayeelin ee ku dhacaya kuryaha dadka rayidka ah ayaa sababay in ay isaga baxaan guryahooda, Haweenka ayaa u sheegay shaqaalaha UNHCR, Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay, in ay iibiyeen alaabtooda, si ay u bixiyaan kharashka gaadiidka.

Qoysaskaan ayaa intooda badan waxaa la dajiyay 13 goobood, oo ka tirsan magaalooyinka Bookh, Galxamur iyo Danot Woredasiin, ee aagga Doolo ee ismaamulka Soomaalida Itoobiya, halkaa oo hey’addu ay ku siisay wixii gargaar ah oo loo heli karay, waxaana shaqaaluhu dalbadeen gargaar dheeraad ah oo lala soo gaaro dadkaan.

Deegaannada dalka Itoobiya ee lagu soo dhoweeyay dadkaan ayaa waxaa  ay yihiin kuwo sida daran u saameysay abaarta iyo saameynta isbedelka cimilada, kaddib shan xilli oo roobaad oo xiriir ah oo aanu roob da’in, iyadoo badarka iyo waxa la heli karayo ay aad u yaraadeen, taas oo sii adkeyn karta nolosha dadkaan ku tagay barakaca.

Xaaladda magaaladii ay kasoo hayaameen ayaa ah mid aan sal fadhiyo la heyn waxaa wali ka dhacay dagaallo xoogga oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somliland iyo kuwa deegaanka ee iska soo horjeeda maalintii 15-aad, waxaa burburay inta badan dhismayaashii magaalada goobaha caafimaadka iyo kuwa cibaadada la duqeeyay.

Goobjoog News