U bood dhigaalka

Dagaalka Magaalada Laascaanood oo Galay Maalintii 16-aad iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada Milatariga Soomaaliland iyo kuwa deegaannada SSC ayaa marka kale dib uga qarxay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hubka nuucyadiisa kale duwan, dagaalka ayaa ka dhacaya duleedka magaalada, wallow uu jiro khasaare soo kale gaaray dhinacyada.

Qalalaasaaha iyo dagaallada magaalada ayaa galay maalintii 16-aad oo dhinacyadu isaga soo horjeedaan dagaalka ka socda Laascaanood, ciidamada Somaliland ayaa dhankooda wada madaafiicda ay ku garaacayaan xaafadaha kale duwan, shacabkii ku noolaa magaalada ayaa inta badan isaga baxay, iyagoo qaarkood ay gaareen dowlad deegaanka Soomaalida.

Dagaalka ayaa waxaa intii uu socday ka dhashay khasaare xooggan, kaas oo isugu jira naf iyo maal intaba, wararka laga helayo maagalada ayaa sheegaya in dhinacyada ay soo kala gaarayaan gurmadyo kale duwan, iyadoo dhowr jeer dhinaca Somalilad ay ku dhawaaqday xabadjoojin hal dhinac ah, iyadoo aysan dhaqan gal noqon tallaabadaas.

Xoogga dagaalamaya ayaa dhankooda xabad joojinta shuruud uga dhigay in Somliland ay ciidankeeda kala baxdo gobolka Sool, mana muuqto rajo uu ku istaagayo dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaas oo ku dhowaaday 20 cisho, waxaa dhinaca kale socda madaafiicda ay magaalada ku garaacayaan ciidamada Somaliland, oo geysatay burbur baahsan.

Dagaalka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa iyadoo dhowaan Odayaal dhaqameed warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ay sheegeen in ay tagayaan magaalada Laascaanood si ay waanwaan kaga dhexe abuuraan xukuumadda Somaliland iyo SSC, kuwaas oo dagaal isaga soo horjeeda dagaal maalintii 16-aad, kaas oo khasaare badan oo naf iyo maal ahba dhaliyay.

Xoggaga SSC ayaa dhankooda diiday imaatinta Odayaal dhaqameedka magaalada, iyagoo sheegay in aysan wadahadal geli doonin inta ciidanka Somaliland ku sugan yihiin gobolka Sool, iyadoo aan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonaan haddii Odayaal dhaqameedku ku adkeystaan in ay tagaan magaalada Laascaanood gobolka Sool.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoo xusay in aan la aqbali karin duqeymaha ay sameynayaan ciidanka Somaliland, golaha shacabka ayaa maalintii shalay aheyd waxaa guddoomiye Aadan Madoobe loo gudbiyay Moowshin ka dhan ah xaaladda magaalada Laascaanood.

Goobjoog News