U bood dhigaalka

DAGAALKA SHABAAB: BARBARKAY KA BAXDAA WAA BAKAYLE QALEEN!

Sheeko:Dalka

Shabaab waxa ay gumaad aan loo meel dayin ku haayeen bulshada muddo 15 sano ah, waxa ay la beegsanayeen qaraxyo ay xasuuq ugu gaysteen dad badan oo birimagaydo ah, waxa kale oo ay toogteen shaqsiyaad mudnaan ku lahaa bulshada dhexdeeda kuwaas oo isugu jira aqoonyahan, waxgarad, dhaqan, iyo culimo. Waxay caadaysteen dhac iyo baad ay kula
kacayaan ganacsatada, bulshada inteeda kalena waxa ay ku haayeen cabsi-gelin, cagajuglayn iyo karaama-dil. Dhibaatada ay abuureen wuxuu saameeyey tacabkii beeraha oo wax soo saarkii gudaha hoos u dhac wayn u gaystay.
Shabaab waxa uu go’aankoodu yahay dabargoynta bulshada Soomaaliyeed, waxayna la yimaadeen farsamo kasta oo u fududaynaya baab’inta waxgaradka iyo aqoonyahanka.
Bulshada Soomaaliyeed oo horay noloshoodii u saameeyay colaaddii sokeeye, lana daalaadhacaya waxyeeladii ay reebeen dagaaladii dalka ka dhacay, wehelna u ahaa abaaro, biyo la’aan, gaajo iyo macaluul joogta ah ayaa waxa ay ka hor is taageen in loo gargaaro iyaga oo waliba ugu daray in ceelashii ka duugaan, dab qabadsiiyaan gadiid badeeco ku rarnayd oo
gobollada ku sii jeeday, xasuuqna u gaystay ganacsatadii iyo rakaabkii la socday gaadiidka iyagoo ku tilmaamay basaas iyo burcad u adeega dowladda.
Hadaba, kacdoonka ka dhanka ah Shabaab oo ay horkacayaan ciidanka dowladda iyo qabaa’ilka ka gadooday gaboodfalka Shabaab, waxaaa laga maarmaan ah in dowladda abaabusho qeybaha kala duwan ee bulshada sida; ganacsatada, culimada, dhaqaatiirta, haweenka iyo dhallinyarada, si loo abuuro iskaashi la isugu gaynayo awoodda bulshada ee ku aadan iska caabinta cadowga ku dhex nool, kacdoonkana uu u noqdo mid guuleysta, waxaan soo jeedinayaa in la sameeyo guddi ka kooban wasaaradahan iyo hay’adahan soo socda;

Wasaarada Diinta iyo Awqaafta, Wasaarada Maaliyadda, Wasaarada Caafimaad ka iyo Daryeelka Bulshada, Wasaarada Ganacsiga, Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka, Wasaarada Dhalinyaradda iyo ciyaaraha, Rugta Ganacsiga, Ururada Bulshada Rayidka

Waajibkaadka Guddiga:

Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta: waxa ay abaabuleysaa kulan Diini ah oo culimada Soomaaliyeed la isugu keenaayo si ay ugu iftiimiyaan wax ay Shabaab sheeganeyso in diinta islaamka meelna kaga xusnayn, garab istaagna u muujiyaan dowladda iyo shacabka Soomaliyeed dagaalka ay kula jiraan Shabaab.
Waxaa kale oo ay wasaaraddu qabanaysaa barnaamijyo si toos ah TV uga baxaya hormuudna uu ka yahay wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Mukhtaar Roobow iyo raggii ka midka ahaa maxaakiimta Islaamiga iyo kuwii ka soo laabtay mabda’a gurracan ee Shabaab kana mid noqday dowladihii kala duwanaa ee dalka soo maray, waxaana laga rabaa in ay u cadaayeen shacbiga in lagu dhiirado iska dhicinta falaagada Shabaab oo aan ku taagnayn wadada suubban ee diinta Islaamka. Wasaaradda waa in ay kaalin mug leh ka qaadato wacyigelinta bulshada iyo dhiirogelinta ciidamada ku sugan furimaha dagaalka, culimada qaarkeedna ay booqdaan jiidda hore ee dagaalka si ciidanka maan ahaan loo dhiso.

Wasaaradda Maaliyadda: waxa ay furayaan akoon xisaabeed si dadweynaha uga qayb qaataan taakulada ciidamada dagaalka kula jiro nabaddiidka shabaab. Wasaaradda waxay arrintaasi kala kaashanaysaa hay’adaha ku shaqada leh.
Waxay keenaysaa qorshe ku aadan sidii looga hortagi lahaa loona xanibi lahaa akoon xisaabeedyada ay Shabaab ku leeyihiin bangiyada. Waxa ay soo saarayaan digniino ku aadan nidaamka lagu la soconayo cidda lacag siisa Shabaab waxaa fariimo joogtaha loo marinayaa SNTV dadwaynaha iyo ganacsatada.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada: waxa ay sameyneysaa goobo caafimaad (mobile clinic) oo lagu dabiibo dhaawaca ciidanka, sidoo kale magaalooyinka leh xaruumo caafimaad in ay ku kabaan qalab caafimaad iyo dawo, iyagoo kaashanaaya hay’adaha aan dowliga ahayn iyo isbitaalada gaarka loo leeyahay.
Waxay diyaarinayaan dhaqaatiir ka qeybgala daaweynta ciidamda dagaalka kula jiro sharwadayaasha Shabaab, Waxay sameynayaan goobo dhiig bixin, iyo kaydka dhiiga.

Wasaaradda Ganacsiga: waxa ay ka shaqeyn doontaa iyagoo kaashanaayo Rugta Ganacsiga aabaabul ku aadan ganacsatada waaweyn iyo kuwa dhexe si ay taakulo iyo garab istaag ugu yeeshaan gurmadka ciidanka, si aysan u go’in dawada, biyaha, iyo baadka ciidanka.
Waxay la imaanayaan qorshe dhammeystiran oo ku aadan taakulada, waqtiga la helaayo, goobaha la isugu aruurinayo, iyo waqtiga iyo sida lagu gaarsiin karo furimaha ay ciidanka ku sugan yihiin.
Wasaaradda Ddhalinyaradda iyo Wasaaradda Haweenka iyo Ururada Bulshada Rayidka: waxa ay hoggaamin doonaan wacyigelinta bulshada si bulshada ay mid uga noqon lahaayeen dagaalka ka dhanka ah falaagada Shabaab. Waxa ayna qayb ka noqon doonaan ururinta gurmadka iyo taakulada dibada iyo gudaha ee loogu talogfalay ciidanka dagaalka kula jira
jihodiidka Shabaab. Waxa ayna si dhow ula shaqayn doonaan wasaaradaha aan ku xusan.
Waxaan ku soo gabagabaynayaa taladan; In dhallinyarada dhinaca Shabaab safka kaga jira haddii ay isa soo dhiibaan lagu la dhaqmo mabaa’diida dhowridda maxbuuska dagaalka, loona sameeyo xarumo dhaqancelin oo si adag loo ilaaliyo, ka hor inta aysan bulshada ka mid noqon.
In deegaanada la xorreeyo ciidan xasiliyo loo sameeyo, maamul bulshada deegaanka ah laga la tashadayna laga dhiso sida uga suuragalsan.
In warbaahinta looga digo adeegsiga erayada fidmada bulshada ka dhex abuuri kara ee ku salaysan qaabiilka iyo reeraysiga. Waxaa ila qumman in la adeegsado “Bulshada deegaanka oo garabsanaya ciidanka xoogga” si loo muujiyo isku duubnida dadweynaha iyo awoodda ciidanka Soomaaliyeed.

FG: Madaxda sare sida: Madaxwaynaha, Ra’iisul wasaaraha, Guddoomiyaasha golaha shacbiga iyo aqalka sare, Wasiirada, iyo Masuuliyiinta kale waa in ay niyad dhis joogta ah u sameeyaan ciidamada iyo bulshada guud in dalka uu marxalad dagaal ku jirana la muujiyo. 

WQ/ Adan Yarow