U bood dhigaalka

Dagaalka Ukrain|Ruushka Oo Markii Ugu Horeysay Qirtay Khasaare Ka Soo Gaaray Weerarkii Markab Ugu Weyna Badda-Madoow

Sheeko:War

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa  ku dhawaaqay in dalalka xulafada la ah ay “ugu dambeyntii” siinayeen hubka uu dalbaday dalkiisa, dhinaca kalena Ruushka ayaa qirtay khasaaraha nafeed oo kasoo gaaray quusida markab dagaalkii “Moskva”.

Khudbad muuqaalah oo la sii daayay goor dambe oo habeenimo ah, ayuu madaxweyne Zelensky ku sheegay in hadalladii kasoo yeeray hoggaamiyaha Ruushka, horraantii Jimcihii, ee ku saabsanaa baahida loo qabo in la gaaro qaybta gooni u goosadka ee Moldova ee uu Ruushku qabsaday ay muujinayso in Ruushku uu doonayo in uu ku duulo dalal kale.

Dhanka taakulada millitry, Dawladda Canada ayaa sheegtay in ay siisay ciidamada ammaanka ee Ukraine madaafiic culus, ka dib markii Ra’iisal Wasaare Justin Trudeau uu ballanqaaday horaantii toddobaadkan inuu hub culus udiri doono Kiev oo uu wajahaysa weerarrada Ruushka kawado gobollada bari ee ukrain.

Wasaarada gaashaandhiga Canada ayaa sheegtay in ay gaarsiisay ciidamada Ukraine tiro ka mid ah madaafiicda M777 Hawitzer iyo rasaastooda oo kamid kuwa ugu khatarsan marka la eego madaacfiicda goobta ayna ku dhowyihiin in baabuur gaashaaman ay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu diri doonaan Ukraine.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in dalkiisu uu damacsan yahay in uu soo gaarsiiyo Ukraine madaafiicda Kaysar iyo kumanaan hoobiye si ay looga hortago ciidamada Ruushka.

Dhinaca kale, Wakaaladda Wararka ee Ruushka oo soo xiganaysa Wasaaradda Difaaca ayaa sheegtay Jimcihii in hal badmaax uu dhintay, 27 kalena la la’yahay ka dib markii Markab Ruushku leeyahay oo lagu magacaabo Moskva uu degay todobaadkii hore, halka 396 kale oo ka mid ahaa Shaqaalihii Markabka gantaallada la soo badbaadiyey.

Moscow ayaa sheegtay in markabka dagaalkii “Moskva” – oo ah markabka ugu weyn eeTaliska ciidamada badda ruushka ee badda madow – uu degey todobaadkii hore ka dib markii uu dab sababay qarax uu qabsaday, halka Ukraine ay sheegtay in la beegsadeen gantaalaha lidka maraakiibta.

Waa markii ugu horeysay oo Ruushku uu qirto in uu khasaare bini’aadminimo ka soo gaaray weerarkii markab dagaalkii Moscow, iyadoo la og yahay in markii hore ay miltryga Ruushku xaqiijiyeen in dhammaan shaqaalihii la socday markabka si nabad ah looga saaray ka hor inta aanu degin.

 

GOOBJOOG NEWS

W/Q:- Yahye Soocade