Dagaalkii Gaalkacyo: Uur Ku Taallo Usoo Hoyatay Shacab Nabad Ku Naaloonayey

Dagaalkii Gaalkacyo ka billawday 22-kii bishii lasoo dhaafay ee November waxa uu ahaa kii ugu adkaa ee magaaladaasi ka dhaca marka loo eego xilliga uu dhacay iyo sababta uu u dhacay.

Xilli ay magaaladu aad u sii cammirmeyso dhismo iyo bulsho ahaan, dadkuna u hinqanayaan in lasii xoojiyo Dhismaha iyo ballaarinta Magaalada, is dhex galka iyo wada noolaanshaha dadka, ayuu dagaalku bilowday.

Siyaasiyiin iyo Dagaal oogayaal u arka in ay macaash gaar ah ku qabaan colaadda ayaa ka shaqeeyey iska horkeenka Beello walaalo ah oo waligood wada deganaa oo ay noloshu si qotto dheer uga dhaxeyso.

Ma aha markii ugu horreysay oo Gaalkacyo ama meel kale oo mudug ka tirsan lagu dagaallamo, laakiin waa markii uu ugu xannuunka badnaa dagaalka, gaar ahaan marka dib loo milicsado wixii la gaarsiiyey dadka shacabka ah ee aan dagaalka ku jirin.

Inkastoo aan lagu soo saarin tiro koob sax ah oo cid madax bannaan ay sameysay haddana inta la ogyahay dhimashadu waa 60 qof,  halka dhaawacuna uu 100 ka badan yahay.

Maalintii 1-aad ee uu dagaalku billowday oo kaliya ugu yaraan 10 ruux ayaa dhimatay halka dhaawacuna uu ka badnaa, qoyasas badan ayaa magaalada laga barakiyey kuwaas oo si qorsho la’aan ah uga cararay meelihii ay deganaayeen.

Qoysas markii horreba magaalada barakac ahaan ku yimid ayaa dib u sii barakacay, wixii dhibaato ah ee ka dhashay barakacoodana iyaga uun baa og.

Dhismooyin badan oo deegaan iyo ganacsiba isugu jira ayaa la bur-buriyey oo qaarkood dhawaan uun farta laga qaaday dhismo ahaan.

Haddaba waa ayo cidda iska leh masuuliyadda qasaaraha intaas ka badan ee dhacay, waa intii ka talisay in la dagaallamo oo Labada dhinac ka kala tirsan.

Dabcan ma jirto lamana sugayo cid qaadata musuuliyadda khasaarahaasi baaxadda leh ee bulshada loo geystay xittaa waa wax aad fog in la fisho in dhinacyadii dagaalka huriyey ay cudur-daar iyo raali-gelin loo qaateen ah ka bixiyaan wixii foosha xumaa ee ay geysteen.

Waxa ugu muhiimsan ee laga maqlayw waxay tahay in dhinac kasta uu heshiiska qaatay, ciidamada dib loogu celinayo farriisimadoodii, masuuliyiintuna dib u jaf-jafan doonaan xafiisyadooda si ay shaqooyinkooda u billaabaan.

Waxaan intaas dheer in siyaasiyiintu is gacan qaadeen iyagoo isu dhoola cadeynaya laga yaabee in quluubtana ay iska diidanyihiin.

Waxay ka dhigan tahay in wax xoogaa xal ah la gaaray kaas oo suurta gelin kara in dadkii magaalada ka cararay ay dib magaalada ugu soo laabtaan laakiin kama dhigna in xal loo heli doono kuwii dhintay iyo intii la dhaawacay bur-burkii magaalada soo gaarayna ay arrin kaloo dheeraad ah tahay.

Qoraalka gaalkacyo lagu kala saxiixday ee loogu magac daray heshiiska gaalkacyo, waxaa ku xusan qodobo muhim ah oo arrinta murugsan dejin kara, sida qodobada ku xusan waxaa la sameyn doonaa guddi ka sii shaqeya nabadeynta dhinacyada dagaalamay iyo xalinta waxyaabaha leyku heysto.

Laakiin wax weyn kama tari doonto arrintaas haddii aanu gudigu ka shaqeyn in mag-dhaw laga siiyo dadkii ehlkooda la dilay, iyo kuwii la dhaawacay, dadkii dhismooyinka laga bur-buriyayna loo dhiso.

W/D:- Aweys Aar

Goobjoog News

 

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW