U bood dhigaalka

Dagaalladii Ka Dhacay Mudug Iyo Nugaal Oo Saameyn Ku Yeeshay Dadka Reer Guuraaga Ah

Sheeko:Dalka

Dadka reer guuraaga ah ee ku nool goballada Mudug iyo Nugaal waxaa saameyn ku yeeshay dagaallada u dhaxeeya Xarakada Al-shabaab iyo ciidanka Puntland.

Labo qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaallo ka soconayay deegaanka Togga Suuj oo ay ku dagaallameen ciidanka Puntland iyo dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Dad badan oo reer Guuraa ah ayaa la sheegay inay ka barakaceen deegaannadii ay ku sugnaayeen kadib markii dagaalka uu ugu tagay.

Qaarkood waxyeello daran baa kasoo gaartay dagaalladaasi, waxaana ay aadeen deegaannada kale ee nabdoon, kana tirsan gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Abshir Maxamuud oo ka mid ah dadka reer guuraaga ah ayaa u sheegay Goobjoog News in xoolihii ay ka kala lumeen kadib dagaallo aysan fileyn oo ay la kulmeen, sidoo kalena ay jiraan dhibaatooyin badan oo dadkaasi soo gaaray.

Wuxuu sheegay in nawaaxiga Garmaal ay biyo usoo doonteen, hase ahaatee dadkii dagaallamayey oo iyaguba biyo raadis ah ay deegaankaasi isla soo galeen, taana ay keentay in reer guuraa badan ay kala cararaan.

Dagaalladii ka dhacay Mudug iyo Nugaal una dhaxeeyay Puntland iyo Al-shabaab waxay sababeen waxyeello badan oo soo gaartay dad shacab ah, haba ugu badnaadaan dadka ku nool dhulalka baadiyaha ah.

Goobjoog News