U bood dhigaalka

Dagaallo Ka Dhacay Deegaanno Hoostaga Degmada Ceelbuur Ee Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dagaallo u dhaxeeyay ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca oo garab ka helaya kuwa AMISOM ee ka socda Itoobiya iyo Al-shabaab oo dhinac ah ay ka dhaceen deegaanno ku dhaw degmada Ceelbuur ee gobalka Galgaduud.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada is garabsanaya ay ku baxeen deegaanno Al-shabaab ay ku sugnaayeen, halkaasi oo saacado badan lagu dagaallamayay.

Dagaalka ayaa xoogiisa waxa uu ka dhacay deegaan lagu magacaabo Ceel la helay, waxaana la sheegay in ciidamada ay ku siqayaan deeganno badan oo Al-shabaab ku sugan yihiin.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalladaasi ku dhintay 4 ka mid ah dhinacyada dagaallamaya, waxaana maanta la dareemayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Saraakiil ka mid ah Ahlu-sunna oo aynu qadka taleefanka kula hadalnay waxa ay sheegeen in howlgalkaan uu socon doono, inta ay ka qabsadaan degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.

Goobjoog News