U bood dhigaalka

Dagaallo khasaare sababay oo mar kale ka dhacay Deefow iyo Kabxanleey

Sheeko:Dalka

Dagaalo khasaara geystay ayaa mar kale ka soo cusbonaaday deegaanada Deefow iyo Kabxanley ee gobolka Hiiraan.

Dagaaladan ayaa salka ku haya is qabqabsi la xiriira dhul beereed ku yaalla deegaanada dirirta ay ka soo cusboonaadeen.

Sida uu soo sheegay wariyaha Goobjoog FM uga soo warama Beledwayn Cabdi Risaaq Al- cadaala, dagaaladan ayaa sababay dhaawaca dad kor u dhaafaya 10 qof kuwaas oo la dhigay Isbitalka magalada Beledweyn.

Dagaallada ayaa ku soo noqnoqday Deefow iyo Kabxanley iyada oo dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer u dirtay wufuud ay u xil saartay xalinta colaadaha.