U bood dhigaalka

Dagaallo maanta xarakada Al-shabaab iyo AMISOM ku dhex maray deegaano ka tirsan Baay iyo Hiiraan

Sheeko:War
780
Sawir hore, Ciidamo ka tirsan AMISOM

Ilaa saddex ruux ayaa ku geeriyootay afar kalena way ku dhaawacmeen dagaal maanta Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM iyo xarakada Al-Shabaab ku dhex maray deegaano hoos yimaada degmada Owdiinle ee Gobolka Baay.

Dagaalkan ayaa ku bilowday weerar ay Subaxnimadii saakay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku qaadeen deegaano hoosyimaada dagmada Owdiinle ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheeegay inay ku dhinteen ilaa saddex ruux oo ka mid ahaa dhinacyadii dagaalamay halka saddex kale uu dhaawac ka soo gaaray Dagaalkaasi.

Dhanka kale, rag ka tirsan Xarakada Al-Shabaab iyo Ciidamada Dowladda ayaa lagu soo waramay inay maanta dagaal uu ku dhexmaray deegaanka Jameeca ee Gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya gobolkaasi ayaa sheegaya in dagaalkan leysku adeegsaday Hubka Culus iyo midka fudud, isla markaana uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac inkastoo aan la tira koobin.

Deegaanka Jameeca oo dhaca inta u dhexeysa degmooyuinka Jalalaqsi iyo Buulo-burte waxaa Gacanta ku haya Xarakada Al-Shabaab, waxaana ay ka mid tahay deegaano ay u dhaqaaqeen cutubyo ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo doonaya inay la wareegaan deegaanadaasi.

Wararka Goobjoog news