U bood dhigaalka

Dahir Geelle “Mudaharaadka Qaban qaabadiisa meel aad u wanaagsan ayeey mareysa”

Sheeko:Amniga

Midawga Musharixiinta ayaa markale wax ka soo saaray Banaanbaxa ay ku baaqeen in uu Daljirka Dahsoon ka dhici doono Jimcaha soo socda.

Musharixiinta ayaa sheegay in uu meel wanaagsan marayo abaabulka banaanbaxa jimcaha , kaas oo ay ka qeeyb gali doonaan xubanaha midawga musharixiinta .

Afhayeenka Midawga musharixiinta Daahir Maxamuud Geelle oo ka mid ah musharixiinta ayaa sheegay in ay Jawaab ka waayeen hay’adaha amaanka oo fariimo ay u direen .

Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa yiri ” Mudaharaadka Qaban qaabadiisa weey socotaa meel aad u wanaagsan ayeey mareysa, waan ka xunnahay Shirkaan jaraa’id shirkii ka horeeyay waxaan fariin u diray Taliyayaasha Nabad galyada, hay’adaha amniga xakumo, booliiks baan u diray , militeriga baan u diray, Nabad sugidda baan u diray , Asluubta baan u diray in aanay ka soo jawaabin oo anay dhihin waajibaadkeenni baan qabsaneyna aad iyo aad baan uga xunnahay “.

“Laakiin waajibka ineey ka aamusaan uga dhici maayo , Mas’uuliyaduna uga harimeyso , waxaan rabnaa oo markale ku celina mudaharaadka Amnigiisa , Illaalada Murashixiinta hay’adaha nabad galyada madaxdooda in ay ka shiraan baan rabnaa “.

Hadalka Midawga musharixiinta ayaa ku soo adaya xilli Farmaajo habeenkii 9 aad, Villa Soomaaliya ku hoyanayo kadib markii uu dhamaaday mudda xileedkiisa.