U bood dhigaalka

“Dal Walbo Dadkiisa Ayaa Dhisa Inta Ka Hartay Stadium Muqdisho Waa La Dhameyn Karaa Hadii Aan Is Kaashano”Daa’uud Axmed Dheere

Sheeko:Cayaaraha

Tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho ayaa iminka gacanta dowladda ku jirta tan iyo bishii Augusta 2018 waxaana markii ay ka baxeyn ciidmada Amisom aad usoo dhaweeyay bahda ciyaaraha dalka.

“Dal dalbo dadkiisa ayaa dhista waxa aan aamin sanahay 100% inta ka hartay Stadium Muqdisho in  aan ana dhameysan karno hadii aan si wadajir ugu qeyb qaadano”waxaa sidaas Barnaamijka Xeyndaabka u sheegay”Daa’uud Axmed Dheere oo ah madaxda horomarinta isboortiga Gobolka Banaadir.

Tan iyo Bishii October 2018 waxaa garoonka Stadium Muqdisho booqasho iyo indho indheyn u tagay qaar ka tirsan madaxda dowladda Soomaaliya iyo kooxihii kala duwan ee qurbajoogta ee caasimada Muqdisho u imaaday ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is-dhaxgalka bulshada.

“Hadii aanu nahay jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne waxa aan diyaar u nahay ka qeyb qaadashada iyo dib u dhiska tuulada ciyaaraha Stadium Muqdisho waxaanse ku rajo weynahay in aan aragno Stadium Muqdisho oo dib u shaqaneenaayo” waxaa Goobjoog u sheegay Cali Xuseen oo ah tababaraha kooxda Melbourne ee dalka Australia.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhamaadka sanadkii hore soo gaba gabeesay wajigii kowaad ee nadaafada waxaana dhismaha iyo qeybaha ka haray nadafaada wajiga labaad lacago ku bixinaysa dowladda Norway sida ay kol hore shaacisay wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada.

Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Baxday Barnaamijka Xeyndaabka Ciyaaraha Goobjoog TV

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/2240262316221267/

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle