U bood dhigaalka

Dalag badan oo ku baaba’ay fatahaad uu sameeyay wabiga Shabelle (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Tuulada Maandheere oo ka mid ah gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa la sheegayaa in uu ku fatahay wabiga Shabelle, waxaana uu saameyn ku yeeshay beeraleey badan.

Gudoomiyaha deegaankaasi Aweys Xasan Aadan oo u waramay Goobjoog Fm ayaa sheegay in dalag badan ay baaba’een, sidoo kalena wabiga uu meelo badan biyo kusoo daayay.

Dhanka kale gudoomiyaha ayaa sheegay ay wadaan dadaalo ay isku dayayaan inay ku caro celiyaan wabiga meelaha uu fatahaada kasoo sameynaayo, waxaana dhanka kale uu sheegay in ay adeegsanayaan Jawaano uu maamulka Shabeelaha dhexe halkaasi dhawaan geeyay.

Aweys ayaa sidoo kale sheegay in deegaankaan ay ka jiraan cuduro u badan duumada iyo shuban biyood, waxaana uu ku baaqay in gurmad dhan walba ah lala soo gaaro.

Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga.

Goobjoog News