U bood dhigaalka

Dalag Beereed Ku Baaba’ay Biyo Kasoo Burqaday Wabiga Jubba Ee Mara Gobalka Gedo

Sheeko:Dalka

Beeralayda  Degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in dalagii ugu badnaa uu ku baa’abay biyo fara badan oo ka soo burqaday Wabiga Jubba ee mara Gobolkaas.

Biyo badan ayaa dhex fariistay Beerahoodii ka dib markii ay isku darmeen Roobabkii da’ay iyo sidoo kale Biyahii Wabiga ka imaanayay.

Mid ka mid ah Dadka Beeraleyda ee ku dhaqan degmada Buurdhuubo ayaa u sheegay Goobjoog News, in hadda ay kasii baqayaan in Wabiga uu kusoo fataho, maadaama biyaha ay ku dhaw yihiin in dhinacyada (Karkaarada) ay soo jabsadaan.

“Cabsida ugu daran ee hadda ayaa ah in wabiga uu nagu soo fataho, Biyo soo burqaday ayaa hadda khasaare na gaarsiiyay bal ka waran hadii Wabiga uu soo fataho” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Buurdhuubo ee Gobalka Gedo.

Ma jirto dadaallo lagu doonayo in carro tuur loogu sameeyo wabiga oo ka socda degmada Buurdhuubo, iyadoo xilli walba la filan karo in Wabiga uu fatahaad sameeyo.

Roobabka xilliga Deyrta ah ayaa ka curtay gobalka Gedo iyo sidoo kale gobalada kale ee dalka Qaarkood, waxaana jirta digniin ku aadan Roobabka Elnino in ay saameeyaan dadka deggan deegaanada uu maro Wabiga.

Goobjoog News