U bood dhigaalka

Dalalka Ay u Dhasheen Dadkii Ku Geeriyooday Weerarkii Brkino Faso Oo La Shaaciyay

Sheeko:Dalka

Dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay dadkii ku geeriyooday weerarkii Sabtidii shalay lagu qaaday magaladda Ouagadougou ee caasimada dalkaa ay ku geeriyoodeen 28 ruux oo Lix ka mid ah ay u dhasheen dalka Canada.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in ay aad uga xunyihiin dhimashada muwaadiniintooda oo uu sheegay in gacan ka xaq darani ay dishay.

Dalka Burkina Faso ayaa ku jira 75 cadood oo ah baroordiiq qaran ah si loo xasuusto dadkii ku geeriyooday weerarkii  hotelka Splendid .

Dadaallo saacado badan qaatay ayaa lagu soo gabagabeeyey  weerarkaa oo ugu dambeyn lagu dilay 4 ruux oo la aaminsanyahay in ay ahaayeen dadkii weerarka soo qaaday.

Wararka qaar ayaa sheegay in haween ay ku lug lahaayeen dhacdadii ka dhacday Ouagadougou, taas oo ay sheegteen ururka Alqaacidda ee ka howlgala waqooyiga Afrika.

Dadka dhacdada ku dhintay ayaa kala ahaa Lix u dhalatay dalka Canada, shan Burkina Faso u dhalatay, laba faransiis ah, Labo u dhalatay dalka Sweden oo xilligaa Maqaayad ku jiray, qof da’ah oo u dhashay dalka Holland, iyo wadaad u dhashay dalka Mareykanka oo lagu magacaabi jiray Mike Riddering, oo ay xaaskiisu barta facebook ku xaqiijisay geeridiisa.

Dhinaca kale dowladda Burkina Faso ayaa sheegtay in la afduubtay dhaqtar ajnabi ah iyo xaaskiisa habeenkii Jimcaha kuwaas oo laga afduubtay waqooyiga dalkaa meel u dhow xaduuda dalka Maali.

Burkina Faso waxa ay sheegtay dadka la afduubtay in ay u dhasheen dalka Austrlia

November  la soo dhaafay Alqaacidda ayaa weerartay hotel ku yaalay magalada Bamako ee dalka Maali halkaas oo lagu dilay dad gaarayey 19 ruux.

Goobjoog News