U bood dhigaalka

Dagaal Dhex Maray Dalalka Waqooyiga iyo Koofurta Kuuriya

Sheeko:Dalka

Dalka Koofurta Kuuriya ayaa dadka degan Galbeedka dalkaas gaar ahaan xadka dalkaasi uu la leeyahay Waqooyiga Kuuriya ka dalbaday in ay isaga guuraaan.

Waqooyiga Kuuriya ayaa duqeyn cirka ku waddo Koofuruta, taas oo keentay in Koofurta ay ka jawaabto sida ay ku waramayaan Militariga Koofura Kuuriya.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Golaha Amaanka Qaranka ee Kuufurta Kuuriyadda ay hadda u fadhiyaan kulan degdeg ah, iyagoo ka arinsanaya sida looga jawaabi karo dagaalka Waqooyiga Kuuriya kusoo qaaday.

War saxaafadeed kasoo baxay Koofurta waxaa lagu sheegay in Waqooyiga ilaa saakay ay wadaan duqeyn iyo dagaal, Koofurtana ka jawaabi doonto.

Labada Kuuriya waxaa uu dagaal dhex maray sanadihii 1950-1953, dagaalkaas ma dhamaanin ilaa iyo hadda, wax heshiis ah kalama saxiixan labada dhinac.