U bood dhigaalka

Dalka Brazil oo Looga Dhawaaqay Xaalad Caafimaad oo Degdeg ah

Sheeko:Caafimaadka

Jariidad laga leeyahay dalka Argentina oo la yiraahdo “Cronica” ayaa sheegtay in dalka Brazil looga dhawaaqay xaalad degdeg ah oo dhanka caafimaadka ah, kadib markii ay kordheen dadka u dhimanaya cudurka qardhanda ah oo ay keento nooc ka mid ah kaneecada oo loo yaqaanno qandhada jaalaha ah, kaas oo illaa iyo hadda ay u dhinteen 50 qof, 133 qof oo kalena ay u jiifaan.

Cudurkan ayaa ku faafay gobolka Minas Gerais oo ku yaalla bariga Brazil, waxaa xaalad degdeg ah oo caafimaad lagu soo rogay 152 magaalo, kadib markii ay geeriyoodeen 38 xaaladood labada isbuuc ee ugu horreysa 2017, taas oo keentay xaalad dhalisay aragagax iyo walaac dhanka dadweynaha ah.

Wasaaradda caafimaadka Brazil ayaa waxay kooxo caafimaad u dirtay deegaanka loo yaqaanno “waadiga birta”, dowladdu waxay ka sameysay ol’ole tallaal si aanu cudurku u faafin oo loo xakameeyo, wasaaradda ayaa tilmaantay in sanadkii hore ee 2016, dalka Brazil oo dhan laga helay 6 xalaadood oo shan ka mid ah ay u geeriyootay cudurka, sanadkii 2015 waxaa la diiwaangeliyay 9 xaaladood oo 5 ka mid ah ay u geeriyootay isla cudurkan.

Cudurkan oo ay keento kaneecada loona yaqaanno cudurka Qanadhada-Jaalaha ayaa qofka waxaa ku soo boodaya qandho aad u daran iyo gariir, daal, madax xanuun, xubno xanuun, waxaa inta badan la socda madax wareer iyo matag, marka ay xaaladdiisu sii darsatana waxa uu gaarayaa in kalyaha iyo beerku ay fariistaan haragga iyo indhuhu ay  jaalle isku bedelaan.

Sandkii 1932-dii ayaa cudurkan uu si xoog ah ugu faafay dalka Brazil aad ayuuna uga duwanaa cudurradii hore loosoo arkay, cudurkan ayaa ku faafay goobo badan oo ka mid ah dhex bartamaha iyo koonfurta Mareykanka isagoo soo gaaray illaa iyo qaaradda Afrika, cudurkan ayaa waxaa sababa nooc ka mid ah  kaneecada oo loo yaqaanno (Aedes aegypti).

Goobjoog News