U bood dhigaalka

Dalka Ingiriiska: Ma Dooneyno In Doorashada Soomaaliya Wax Badan Dib U Dhacdo

Sheeko:Dalka

Wafti ka socda dowladda Ingiriiska ayaa Talaadadii kulan gaar ah la yeeshay madaxa Soomaalida, waxaa xoogga lagu saaray kulanka dib u dhaca doorashada iyo wadada loo marayo doorashada 2016-ka.

Tobias Ellwood oo wasiirka Afrika u qaabilsan dalka Ingiriiska ayaa Talaadadii Muqdisho kula kulmay madaxda Soomaalida, Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isul wasaaraha iyo madax kale isagoo ka digay in dib loo dhigo doorashada.

Ellwood oo kulammada kadib, Wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in Ingiriiska uu walaac ka qabo dib u dhac badan oo ku yimaada doorashada, isla markaana ay  ka digayaan  in arrintaasi ay dhacdo, isagoo intaa raaciyay in Madaxweynaha iyo Baarlamaanka ay dadka ka hor wareegaan xiligooda marka uu dhamaado.

Wasiirka waxaa uu madaxdii uu la kulmay u sheegay in Ingiriiska uu si fiican ula socdo xaaladda Soomaaliya, kuna howlan yahay fulinta dhamaan ballaha laga sugayo, isagoo carabka ku adkeeyay in howlaha doorashada la dadajiyo, weliba sida beesha caalamka lagula ballamay.

Tobias Ellwood waxaa uu Goobjoog News u sheegay in Ingiriiska uu xubin ka yahay golaha amaanka ee qaramada midoobey iyo wadamada daneeyay arrimaha Soomaaliya iyo in uu ku dadaalo sidii Soomaaliya looga caawin lahaa arrimaha dhaqaalaha, amniga iyo dhinacyo kale.

Doorashada waxaa uu ku celiyay in loo baahan yahay in waqti badan aan dib loo dhigin iyo in hey’adaha dowladda ay dadka ka horwareegaan xilligii waqtigooda ku ekaa.

Goobjoog News