U bood dhigaalka

Dalka Jabuuti oo Maanta Looga Dabaaldagayo Maalinta Xoriyadda

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta dalka Jamhuuriyadda Jabuuti looga dabaaldagayaa maalintii xornimada uu dalkaasi ka qaatay gumeystihii Faransiiska oo muddo dheer ka talinayay sanadkii 1977.
Xornimada ayaa timid kadib markii afti laga qaaday dadweynaha reer Jabuuti 8-dii bishii May 1977, taas oo lagu weeydiinayay midka ay doonayaan in ay Faransiiska uu usii taliyo iyo in ay xornimo qaataan, waxayna xusheen in xornimo la siiyo.
Horey labo afti oo kale oo la qaaday sanadihii 1958-dii iyo 1967-dii ayay maamuleyaashii Faransiiska ku shubteen codka, mana aysan dhicin in xornimo la siiyo.
Xasan Guuleed Abtidoon ayaa Jabuuti ka noqdey madaxweynihii ugu horeeyey ee Jabuuti
Sanad kasta waxaa la qabtaa dabaaldegyo waaweyn oo rasmi ah, kuwaasi oo lagu xusayo maalinta xoriyadda.
Goobjoog News