U bood dhigaalka

Dalka Mali Oo Madaxweyne Loo Doortay iyo Afgambi Laga Cabsi Qabo

Sheeko:Amniga

Maxkamadda dalka Mali ayaa Colonel Assimi Goita, u dhaarisay xilka madaxweeynaha dalka kadib markii xabsiga loo taxaabay todobaadkii hore ee madaxweyne Bah Ndaw, Ra’iisul wasaare Moctar Ouane iyo wasiirkii difaaca Mali Souleymane Doucoure.

Magacaabistan ayeey Maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaa ku sheegtay inay go’aanka u qaadatay sababo la xiriira “jagada madaxweynenimada oo banaan” kadib markii khamiisti uu Bah Ndaw iska casilay xilkaas.

Ndaw iyo Ouane waxay hogaaminayeen dawlad ku meel gaadh ah oo loo xilsaaray inay hagto ku noqoshada xukunkii rayidka kadib afgembigii bishii August ee la soo dhaafay ka dhacay dalka Mali oo lagu doortay madaxweynihii la doortay, Ibrahim Boubacar Keita.

Goita ayaa markiisii hore loo magacaabay madaxweyne ku xigeen iyadoo xilal kale oo muhiim ah ka soo qabtay ciidanka .

Goobjoog