U bood dhigaalka

Dalka Mareykanka Oo Lix Qof Toogasho Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Sida ay xaqiijiyeen warbaahinta gudaha dalka Mareykanka maanta oo axad ah, ugu yaraan waxaa geeriyootay Lix qof kadib markii rasaas lagu furay goob ku taalla Degaanka Kalamazoo ee gobolka Michigan ee dalka Mareykanka.

Afhayeen u hadlay Booliska gobolka Paul Mathias ayaa Channelka Fox News u xaqiijiyay in Lix qof xabad lagu toogtay, kuwaas oo fadhiyay goob maqaayad ah oo ku taalla Dukaan gawaarida lagu iibiyo.

Booliiska ayaa tuhunsan in falkani uu ka dambeeyay nin cadaan ah oo da’diisa lagu qiyaasay 45 sano jir ah, kaasi oo ay xireen islamarkaana ay su’aallo weydiinayaan.

Goobjoog News