U bood dhigaalka

Dalka Myanmar oo Madaxweyne u Doortay Htin Kyaw

Sheeko:Dalka

Baarlamaanka Dalka Myanmar ayaa doortay Htin Kyaw,  waa 50 sano kadib uu  dalka Myanmar madax ka noqdo qof aan Militari aheyn, waxaana lagu tilmaamay mid taariikhi ah.

Htin Kyaw waxaa uu ilaa 360 cod ka helay 652 oo codadka baarlamaanka ama labada aqal ee dalkaas, codbixinta ayaa u dhacday si cadaalad ah oo markii xitaa natiijada lagu dhawaaqay waa sacab uu hareeyay hoolka.

Madaxweynaha la doortay ee Htin Kyaw, waxaa uu Olog siyaasadeed kula jiraa  Aung San Suu Kyi, haweeneydan oo taageero badan ku leh dalka Myanmar.

Aung San Suu Kyi waxaa laga reebay doorashada dalkaasi kadib markii dastuurka dalka lagu daray qodon ah in aanu dalkaas madax ka noqon Karin qof caruurtiisa ay heystaan dhalasho kale, iyada waxaa ay caruurteeda heystaan dhalashada Ingiriiska.

Xisbigeeda waxaa uu aqlabiyad ku heystaa baarlamaanka dalka Myanmar, inkasta oo la sheegayo in ciidanka heytaan ilaa 25 kusri.

Hadda dalkaas waxaa madax ka ah Thein Seino oo madaxweyne noqday March 2011-kii, waxaa uu ka dagi doonaa xilka bishan dhamaadkeeda isagoo dhameystay 5 sano oo mudadiisa aheyd.

Waa Kuma Madaxweynaha La doortay ee Htin Kyaw:

Htin Kyaw waa 70 jir, waxaa uu Olog la yahay Ms Suu Kyi.

Htin Kyaw aabihii waxaa uu ahaa qoraa iyo gabyaa caan ah iyo xubin xisbiga.

Xaaskiisa Su Su Lwin, Xubin Baarlamaan iyo Xubin Xisbiga.

Waxaa laga shaki qabaa in uu dalka isaga maamul doono iyo in ay saameyn ku yeelan doonto Ms Suu Kyi oo marar badan ku celcelisay in ay iyada dalka maamuli doonto.

Goobjoog News