U bood dhigaalka

Dalka Poland oo Baaraya Muwaadiniinteeda uga Dhintay Qaraxii Muqdishu.

Sheeko:Dalka

Dowladda Poland ayaa baareysa dad uga dhintay qaraxii todobaadkan ka dhacay magaalada Muqdishu.

Inta la xaqiijiyay 11 qof ayaa ku dhimatay in ka badan 14 kalana waa ku dhaawacmeen weerarkaas oo ka dhacay Afaafka hore ee Madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Labo u dhashay dalkaasi ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhinteen, Labada qof ayaa kasoo kala jeeday dalalka Soomaaliya iyo Falastiin.

Cabdiqadir Gabeyre oo ah ninka Soomaaliga ah ee qaraxa ku dhintay waxaa la sheegayaa in uu doonayey in uu u tartamo doorashada 2016-ka ee dalka Soomaaliya.

Xogheyaha Xafiiska Ra’isul wasaaraha dalkaasi ayaa sheegay in geerida ragas aanu aheyn mid rasmi ah.

Al-shabaab ayaa sheegatay weerar isniintii