U bood dhigaalka

Dalka Turkiga Oo lagu Xirxiray Boqlaal Ruux oo Looga Shakisan Yahay Ururka Daacish

Sheeko:Dalka

Ciidamada Booliska dalka Turkiga ayaa waxay qabqabteen boqolaal ruux oo looga shakisanyahay iney ka tirsanyihiin ururka mayalka adag ee Daacish, kadib  hawlgallo ka dhacay guud ahaan Turkiga.wixii ka dambeeyay weerarkii lala beegsaday meel lagu caweeyo oo ku tallo magaalada Istanpul, weerarkaas oo ay sheegteen ururka Daacish.

Dadka la xirxiray waxaa ku jira dad ajaanib ah oo qorsheynayay iney weerarro ka fuliyaan gudaha waddankaas, kuwaas oo ay boolisku gacanta ku soo dhigeen, hawlgalkan ayaa ah kii ugu weynaa oo ka dhan ah Daacish oo laga sameeyo guud ahaan Turkiga.

Hawlgalkaan ayaa waxaa lagu xiray 150 qof oo looga shakiyay Daacish kuwaas oo ku sugnaa magaalada Sanloorfa 47 kale waxaa lagu qabtay magaalada Gazi ee u dhow xuduudka uu Turkiga uu la wadaago waddanka Suuriya halka 60 kalena lagu xiray magaalada Ankara ee caasimada waddanka Turkiga.

Magaalada Istanbul ayaa iyadana waxaa lagu xiray 18 qof oo 14 kamida ay yihiin ajaanib dib loogu celin doono waddamadooda.

Waddanka Turkiga ayaa waxaa gilgilay qaraxyo sanadkii tagay ee 2016-kii, kuwaas oo ay ka fuliyeen ururka Daacish iyo maleeshiyaad Kurdiyiinta oo galaaftay nafta boqolaal ruux, waxaana ugu dambeeyay weerarkii lagu qaaday bilowga sanadkaan goob lagu caweeyo oo ay ku dhinteen dad gaaraya 39 qof ayna ku dhaawacmeen dad ka badan 30 ruux.

Goobjoog News