U bood dhigaalka

Dalladaha Waxbarashada Dalka Oo Kasoo Horjeestay Qaraar Dhawaan Ay Soo Saartay Wasaaradda Waxbarashada

Sheeko:Dalka

Dalladaha waxbarashada dalka ayaa maanta soo saaray war-saxaafadeed ay ku mideysan yihiin taasi oo ay uga soo horjeedaan qaraar dhawaan soo saartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, kaasi oo ahaa in wasaaraddu ay qaaddo imtixaanaadka dugsiyadda sare.

Waxa ay sheegeen in qaraarkaasi uu qalqal iyo niyad jab ku riday ardayda mudada 12-ka sano ah waxbaranaysay, waxaana ay u cuskadeen in taasi aysan fulin karin Shan Qodob awgood.

Qodobadaasi ayaa kala ah:-

  • Xaaladda guud ee Nabad Galyo dalka ka jirta
  • Iydoo aysan jirin u diyaar garow ku filan oo imtixaan mideysan lagu qaado
  • Iyadoo uusan weli jirin xeerkii waxbarashada ee dugsiyadda gaarka loo leeyahay
  • Iyadoo uusan jirin manhaj mideysan oo dhameystiran, islamarkaana dalka loo sameeyay
  • Imitixaanka oo hal mar wada gaari karin goballada iyo degmooyinka ay dugsiyadda ku yaallaan.

Halkaan ka Akhriso War-saxaafadeedka

Goobjoog News