U bood dhigaalka

Dalladda SOSECENSA OO Dowladda Ugu Baaqday In La Qabto Shika Dib-u-heshiisiinta 20-25-ka Bishan

Sheeko:Dalka

Xubno ka tirsan ururka jilayaasha aan dowliga aheyn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya(SOSECENSA) oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa dowladda u diray baaq ku aadan sidii u qabsoomi lahaa shirka wadatashiga gobolka Banaadir.

Ururka ayaa ka hadlay in shirkaasi u dan u yahay bulshada ku nool gobolka Banaaidr iyo Soomaali oo dhan, iyagana u taagan yihiin isu soo dhoweynta dowladda dhexe iyo heer gobol iyo mid maamul goboleed.

Ururada bulshada waxaa ay soo dhoweynayaan in shirka loo qabto sida ugu dhaqsaha badan ugu dambeyn 20-25-ka bisha.

Ugu dambeyntii, waxaa ay ka hadleen sida ay uga wal-walsan yihiin barakacayaal xoog loo adeegsaday iyaga oo ballan-qaaday in wax alla wixii dhibaato ah ay shirkaasi hor dhigi-doonaan, hadalna ka soo saari-doonaan.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa dhawaan sheegay inuu baaqday Shirkii dib u heshiisiinta iyo Horumarinta gobolka Banaadir oo lagu waday in Muqdisho lagu qabto 7-8-dii Bishaan wuxuuna gudoomiye Thaabid uu xiligaas sheegay inuu shirku u baaqday cilado dhanka farsamada ah ayna dib ka soo sheegi doonaan xili danbe ee la qabanayo.

Goobjoog News