U bood dhigaalka

Dalxa: Dowladdu xal kama gaarin xiisada Baydhabo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Prof.Maxamed Cumar Dalxa
Prof.Maxamed Cumar Dalxa

Wafdigii ay dowladdu u dirtay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in dowladdu ay xal ku meel gaar ah ka sameysan xiisadihii magaalada Baydhabo.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada golaha Baarlamaanka qeybna ka ah guddiga arimaha dibedda ee golaha shacabka ayaa sheegay in ay kulamo kala duwan la qaateen dhinacyada isku haya maamulka koonfur galbeed ee Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay in ay guddoomiyaha baarlamaanka ka ogolaadeen in ay la shaqeeyaan guddi uu sheegay in loo xil saaray xal u raadinta xiisadaha siyaasadeed ee ka jira magaalada Baydhabo.

Xildhibaankan ka mid ahaa wafdigii dowladda ee gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegay in inta badan xalkan KMG ah ay wada qaateen dhinacyada isku haya siyaasada Baydhabo taasi oo uu ku sheegay in ay isu soo dhaweyneyso fikradaha kala duwan ee dhinacyadaasi.

Waxa uu ku baaqay xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa in siyaasiyiintu ay ka shaqeeyaan daganaanshiyaha deegaanada gobolada Koonfur galbeed iska markaasina aysan ka shaqeyn colaada dad weynaha oo aysan ku kicin dadka hami gaar ah oo ay qabaan siyaasiyiinta ka soo jeeda goboladaasi.

Hoos ka dhageyso codka Prof. Dalxa: