U bood dhigaalka

Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya oo Baydhabo kulamo kula leh odayaasha dhaqanka

Sheeko:Dalka
NEIL WIGAN
NEIL WIGAN

Danjiraha dowladda Ingiriiska ee Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa kulamo kula leh halkaas wax garadka iyo odayaasha dhaqanka gobolka.

Danjire Neil Wigan ayaa kala hadlaya dhinacyada uu shirarka kula leeyahay Baydhabo arimo ay ka mid yihiin ammaanka iyo dardar gelinta dhisida maamulka koofur galbeed ee ka kooban saddexda gobol.

Ma jiro warar dheeraad ah oo ka soo baxay kulanka odayaasha Baydhabo ay safiirka kula leeyihiin magaaladaas.

Dhanka kale, Maamulka lixda gobol ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin wada hadal ay la galaan maamulka saddexda gobo lee koofur galbeed Soomaaliya.

Dr Aadan Cismaan Sujuu, wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee lixda gobol ayaa sheegay isaga oo u waramay Goobjoog FM in ay diyaar u yihiin wada hadalka maamulka kale oo horay ugu kala aragti duwanaaday dhismaha maamulka goboladaasi.

Waxa uu tilmaamay in dowladdu ay wado khilaafka ka dhex jira madaxda labada maamul taasi oo uu ku sheegay in ay kala fogeyneyso dhinacyada ku wada sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Danjire Neil Wigan ayaa kol hore booqasho ku tagay magaalada Baydhabo tan iyo markii dowladda Ingiriiska u soo magacawday safiirkooda  Soomaaliya.