U bood dhigaalka

Danjiraha Maraykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay Linda oo Sheegtay in Soomaaliya ay wajaheyso xaalad bini’aadanim

Sheeko:Amniga

Linda Thomas-Greenfield Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in sanduuqa Maraykanka uu $41 milyan ugu deeqay Soomaaliya si wax looga qabto xaaladda abaaraha ee ka jirta Soomaaliya.

Danjire Linda oo soo gaartay magaalada Muqdisho sabtidii 29-ka january 2023, ayaa sheegtay in dad badan oo Soomaali ah ay wajahayaan xaalad bini’aadanimo oo daran.

“Xaaladda bini’aadanimo ee Soomaaliya waa mid aad u xun” ayay tiri Linda Thomas-Greenfield Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Qaramada Midoobay.

“Isku darka xaaladaha cimilada, dhibaatada COVID-19, cooladaha sida dagaalka al-shabaab, ayaa dib u soo celiyay xaaladda macluusha” ayay sidoo kale tiri mrs Linda.

Linda Thomas-Greenfield ayaa sidoo kale sheegtay in maraykanku uu sii wadayo taageerada uu siiyo Soomaaliya, sidoo kalena uu hubinayo in taageerada ay gaarto dadkii loogu talagalay.

“Iyadoo Maraykanku uu kordhinayo taageerada, wuxuu sii wadaya in uu la shaqeeyo dhammaan heerarka kala duwan ee dowladda Soomaaliya si loo kordhiyo ammaanka iyo in la hubiyo in kheyraadka bini’aadanimada iyo horumarinta ay gaarayaan bulshooyinka ku sugan deegaannada dhawaan laga saaray alshabaab” ayay tiri Linda Thomas-Greenfield.

Goobjoog News