U bood dhigaalka

Danjirahii Midowga Africa oo Shaqadii Laga Eryay iyo Farmaajo oo Ka Horyimid

Sheeko:Amniga

Ra’iisulwasaaraha xukuumadda federalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaqadii Safiirnimo ee Soomaaliya uu ku joogay ka eryay danjirahii midowga Africa Fransisco Madeira, waxaana lagu amray inuu dalka isaga baxo muddo 48 saacadood ah.

Qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisulwasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay  inuu faro galiyay  waxyaabo aan shaqadiisa aheyn, sidaas darteedna uu ku waayay sharciyaddii uu ku joogi lahaa dalka gudihiisa ayaa la siiraaciyay qoraalka kasoo baxay xafiiska Rooble.

Kadib qoraalka Rooble waxaa warqad ay kasoo baxday Villa Soomaaliya iyadoo Farmaajo uu ka horyimid tallaabada uu qaaday ra’iisulwasaaraha dalka oo mas’uul ka ah amniga dalka iyo doorashooyinka, waxaana qoraalka Villada lagu sheegay in uusan jirin cadaymo muujinayo eedaymaha loo haysto Fransisco.

Qoraallada iska soo horjeeda ee kasoo kala baxay Rooble iyo Villada ayaa waxaa ay muujinaysaa inuu jiro khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Rooble iyo Farmaajo, waxaana xusid mudan inuu ra’iisulwaare Rooble la wareegay mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka dalka oo maraya heer gabagabo ah.

Goobjoog News