Daraasad Laga Sameeyey Dareenka Dadka Muqdisho ee Doorashooyin Dhaca oo Lasoo Bandhigayo

heritage instituteWaxaa maalinta barito ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu soo bandhigo daraasad laga sameeyey dareenka dadka Muqdisho ay ka qabaan doorashooyin dimoqoraadi ah oo ku saabsan dowladda hoose ee caasimadda, waxaanan helney nuqul ka mid ah daraasada oo bixineysa ifafaalooyin kala duwan.

Daraasadda waxaa sameeyey machadka Cilmi-Baarista Siyaasadda ee Heritage, waxaana maalgaliyey maamulka gobolka Banaadir, dadkana waxaa la weeydiinayay aragtida ay ka qabaan doorashooyin xor ah oo ka dhaca magaalada Muqdisho.

Tan iyo intii guddoomiyaha gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) bishii Luuliyo ee sanadkani uu ku dhawaaqay in sanadka 2015-ka la qabanayo doorashooyinka dowladda hoose, islamarkaasina isaga hadii uu xilka ka dagayo ay tahay in uu badalo duq magaalo oo lasoo doortey, ayaa waxaa soo kordhayay foognaanta iyo sida loogu kuurgalayo dareenka ay dadka ka qabaan doorashooyinka iyo ogaanshaha illaa heerka ay suurogalka tahay, taasina waxa ay horseedey in daraasadan laga sameeyo.

Daraasadda waxaa ka qeybgalay 1633 qof oo ku kala nool 17-ka degmo ee gobolka Banaadir, waxaana la weeydiinayay su’aalo kala duwan oo la xiriira doorashooyin ka dhaca gobolkani Banaadir.

Illaaa 93% boqolkiiba dadka wax la weeydiiyey waxa ay qabaan in ay illaa xad suurogal tahay in qabto doorasho gobolka Banaadir, halka 70% ay qabaan in xaalada amni ee magaalada ka jira ay adkeyn karaan in doorashooyinka ay dhacaan.

80% dadka waxa ay qabaan in kuraas lama taabtaan ah loo qoondeeyo dadka laga tiradada badanyahay iyo boqolkiiba 85% dadka oo qaba in dumarka loo qoondeeyo kuraas lama taabtaan ah.

Waxyaabaha muhiimka ah ee daraasadda lagu ogaaday ayaa waxaa kale oo ka mid ah in 74% dadka ay diideen nidaamka 4.5 ee qabiilka ku saleysey, waxayna sheegeen in uu yahay nidaam caddaalad darro ah iyo qabiilka oo la qarameeyey.

Waxay dadka soo jeediyaan in nidaamka xisbiyada badan ee dadka aragtiyada siyaasadeed ku midoobaan uu yahay kan kaliya ee looga bixi karo nidaamka qabiilka ku dhisan.

Waxaa daraasadda lagu sheegey in qabashada doorashooyinka lafteeda aysan ahayn xalka kama dambeysta, lagana yaabo in doorashada ay ka dhalan karaan xasarado dagaal si la mid ah rabshadihii Kenya sanadihii 2007-dii iyo 2008-dii kuwaasi oo ka dhashay markii lagu dhawaaqay natiijada doorashadii dhacday.

Dadka qaarkood oo aragtidooda la weeydiiyey waxa ay sheegeen in doorashooyinka iyo dimoqoraadiyadda aysan ahayn wax diinta islaamka ku banaan, yihiina wax reer galbeedka laga soo minguuriyey.

Daraasadda waxaa lagu sheegey in loo baahanyahay wacyigalin badan oo laga sameeyo arrimaha doorashooyinka iyada oo laga duulayo dhaqanka Soomaaliga ah oo isagu ku dhisan nidaam dimoqoraadi ah iyo diinta islaamka oo tiirarkeedu ka midyihiin wadatashiga iyo maamul wanaagga, caddaaladda iyo hufnaanta.

Waxyaabaha kale ee daraasadda ay farta ku fiiqeyso waxaa ka mid ah in aysan jirin dhamaan kaabayaashii loo baahnaa inta aanan doorasho la galin iyo tilaabooyinkii loo baahnaa in la qaado ka hor doorashada.

Ugu dambeyntii cilmi-baarayaasha waxa ay rajo ka muujiyey rabitaanka siyaasadeed ee hoggaanka maamulka gobolka Banaadir ee ah in doorashooyin la qabto, tanina ay daliil u tahay in maamulka uu is barbar taagay daraasadani in la sameeyo.

Goobjoog News

Related Articles

44 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW