U bood dhigaalka

Daraasad lagu ogaanayay Sida ay Haweenku uga Qeybgalaan Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho Lagu soo Gabagabeeyey.

Sheeko:Dalka

Daraasadda oo ay sameysay Hey’adda Tubta Nabadda Soomaaliyeed, ayaa waxay  ku saabsan tahay qaabka ay Haweenka Soomaaliyeed uga Qeyb galaan Maamulada Gobolka Banaadir.

Daraasadda ayaa socotay sanadkii 2015ka oo dhan waxaana laga sameeyey 17ka Degmo ee Gobolka Banaadir.

Ujeeddada Laga Lahaa ayaa ahaa in la ogaado Haweenku saameynta ay ku leeyihiin Maamulada Ka jira deegaanada Gobolka Banaadir iyo Awoodaha ay ku leeyihiin Go’aan Gaarista iyo sidoo kale Sida ay uga shaqeeyaan degmooyinka iyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.

Ogaanshiyaha la ogaanaayey xogtaasi waxay aheyd in wixii kasoo baxa loo adeegsado  u Qareemidda haweenka dhiban. Sidoo kale in xogta kasoo baxda ay noqoto mid la hordhigi karo Maamulka Gobolka Banaadir iyo maamulada ka hooseeya ee degmooyinka si loogala xisaabtamo xaquuqda haweenku ku leeyihiin ka qeyb-qaadashada Howlaha Maamulka ee Gobolka.

Goobjoog News