U bood dhigaalka

Daraasad: Ma jirto Siyaasad Ay Muddo Dhaw Soomaaliya Uga Bixi Karaan AMISOM

Sheeko:Dalka

Warbixin ay ay soo saareen machadka maxaliga ah ee Heritage maalintii Jimcaha ayaa lagu sheegay in aanay muuqan ififaalo muujinaya in ay AMISOM si dhaqso ah uga baxdo Soomaaliya.

Warbixinta waxaa ay sidoo kale adkeysay in Xarakada Al-shabaab aanay  jabin Karin ciidamada AMISOM iyadoo  Ciidanka Soomaalida  oo garab siin lahaana xilligan ku tilmaantay kuwo aan tabar laheyn.

Prof Williams iyo Cabdirashid Xaashi oo warbixintan qoray ayaa meesha ka saaray in ay jirto Istaraatiijiyad ay ciidanka AU-da ee 22,000 ah uga baxaan Soomaaliya mar haddii dowladda Soomaalida ay liidato oo aanay ka adkaan Karin Al-shabaab.

Labada nin waxaa ay qabaan in AMISOM ay dhaawac u geysatay Al-shabaab balse aanay ka taqalusin, sidaa darteedna ay khatarta weli jirto.

In kastoo AMISOM ay Al-shabaab ka saartay Muqdisho laakiin xarakada waxaa ay weli maamulaan qeybo badan oo ka tirsan koofurta Soomaaliya, iyagoo awood buuxda u leh in ay soo qaadaan weeraro.

Warbixinta waxaa lagu sheegay sidoo kale in Al-shabaab ay weeraro ku qaaday xerooyin ay leeyihiin AMISOM iyo khasaare badan halkaas ka geystay taasina ay muujineyso awoodda xarakada.

Askariga AMISOM waxaa mushaar ahaan bishii u qaataa $828 oo waxaa laga jaray $200, lacagtaas waxaa bixin jiray Midowga Yurub.

Beesha caalamka waxaa ay ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta sanadkii u bixiyaan ilaa $900 oo Milyan, arrintaas oo warbixinta ay su’aal ka keentay in la sii joogteyn doono iyo in kale.

Prof Williams oo ah qoraaga warbixintan waxaa uu sheegay in AMISOM ciidanka Soomaaliya ugu dhintay ay gaarayaan ilaa 1,000 askari taasina ay tahay arrin ay naftooda u hureen dalkan.

Sida warbixintan ay ku doodeyso khasaaraha soo gaaray AMISOM waa kii ugu darnaa oo ciidan nabad ilaalin ah ay la kulmaan dhawaanahan.

Qabyaaladda ayey sheegeen in ay qeyb ka tahay waxyaabaha caqabadda ku ah in ay degto siyaasadda dalka Soomaaliya.

Ragga qoray warixintan waxaa ay sheegeen in dalalka Itoobiya iyo Kenya loo arko in ay dano gaar ah ka leeyihiin Soomaaliya, iyagoo dalka keenay  ciidamo aan aan ka amar qaadan AMISOM, waxaa kaloo ay soo qaateen in uu jiro warbixin sheegeysa ganacsi xagga Dhuxusha iyo Sokorta ah oo kala dhaxeeya Wadamadaas xarakada Al-shabaab.

Warbixinta oo aad u dheer waxaa ay soo jeedisay  in ay habboon tahay:

Kala wareejinta ciidamada, in ciidamada Soomaaliya ay la wareegaan howl-gallada ay AMISOM waddo, isla markaana AMISOM ay ka dambeyso ciidanka Soomaalida.

In Howl-gallada Militariga in loo bedelo mid   shaqo booliisku qabtaan.

Warbixinta waxaa ay leedahay waxaa adag arrinta dambe sababtunta waa: 540 Booliis ah ayaa AMISOM ka jooga dalka halka Booliiska Soomaaliya ay  daciif yihiin, waxaa muuqato in muddo ay qaadan doonto waqti dheer.

Warbixinta waxaa ay ku talisay:

AMISOM waa in ay heshaa awoodsiin xagga beesha caalamka iyo tashiilaad loo ballanqaaday sida 12 Helicopter.

AMISOM waxay u baahan tahay xoojin iyo dib u shaandheyn si ay ugu fududaato in ay Al-shabaab ka adkaadaan.

Ugu Dambeyn:

Warbixinta waxaa lagu sheegay in qorshaha ahaa in Ciidamada AMISOM loo bedelo UNOSOM lix bil kadib laakiin taasi aaney dhicin kadib markii ay dib u gurteen dalalka waaweyn sida Mareykanka.

Goobjoog News