U bood dhigaalka

Daraasad: Qofka waa in uu la qabsado Isbadallada agtiisa ka dhacaya

Culimada daraasaddan sameeyay waxaa ay ogaadeen in qofka aan naftiisa iyo shaqadiisa is badal ku sameyn isla markaana aan la qabsan isbadallada hareerahiisa ka dhacaya in uu Qatar ku yahan noloshiisa iyo bulshadiisa.

Shirkadda NOKIA waxaa iibsatay shirkadda MICROSOFT, maalintii kala wareejinta waxaa Oohin ku dhuftay guddoomiyaha shirkadda NOKIA oo la iibsanayey

“Wax Qalad ah ma sameyn, Lakin waa Khasaarnay” ayuu hadalkiisa ku bilaabay, markii intaa dhahay waxaa Oohin qabsaday dhamaan shaqaalihii shirkadda ee meesha fadhiyay.

NOKIA waa shirkad weyn, oo aad magic ugu yeelatay dunida, dhibaatada ugu weyn waxaa ay ku dhacday markii ay isbadal sameyn weysay, waxaa tartan adag la galay Samsung iyo Apple iyo shirkado kale oo meesha ka saaray.

Shirkadda NOKIA, Waxaa ay halkaas ku weysay lacag, Magac iyo Sumcad, waxaa arrintaas NOKIA ku dhacday ay heysataa shirkado badan oo laga tagay markii ay isbadal la iman waayeen.

Waxaa hubaal ah haddii aadan aqoon iyo xirfad dheeraad ah aadan subax walbo la iman, in lagaa tagaayo, oo uu kaa tagao tareenka hor u marka.

Waxaa kaloo hubaal ah in loo baahan yahay in qofka uu la yimaado is badal joogta, aqoontiisa uu kor u qaado, isla markaana uu aamino shaqaalihiisa, haddii kale waxaa uu si fudud uga baxayaa tartanka.

Goobjoog News.