U bood dhigaalka

Daraasad: Shacabka Kenya oo raali ka ahayn joogitaanka ciidanka Kenya ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Daraasad la sameeyay sanad kadib weerarkii Westgate ayaa lagu ogaaday in shacabka ku nool   Dalka Kenya aysan raali ka ahayn in ciidamada Kenya ay ku suganaadaan dalka.

Waxaa sidoo kale lagu ogaaday daraasadan in shacabka dalkaasi ay aaminsanyihiin in ciidamada Kenya wax isbedel ah ay ku keeni karaan ammaanka dalka.

Dadka ku nool dalkaasi ayaa sheegaya in soo gelitaankii ciidamada Kenya ee Somaaliya dalkaasi ay u keentay xaalad deganaasha la’aan ah.

Daraasaddu waxey leedahay in saddexdii qof ee Kenyan ahba labo ay arkaan cid ka ilaalineyso iney jirin khatarta xarakada Al-shabaab.

Ku dhawaad dhamaan dadkii ay IPSOS Keya limited ay wareysatay waxaa ay leeyihiiin Al-shabab waa halis taagan oo handadeyso nabad gelyadeena.

Daraasada oo lagu soo bandhigay xarunta hey’adda IPSOS ee magalada Nairobi ayaa lagu sheegay in boqolkiiba saddex dadkii la wareystay ay Al-shabaab u arkin halis jirta.

Baaritaanka ayaa lagu ogaaday xaqiiqo kale taas oo ah in inta badan dadka Kenyan-ka ah ay rabaan in ciidanka Kenya laga soo saaro Soomaliya.

Hal ka mid ah shantii qof ee hey’addu wareysatay 19% ayaa taagersan joogitaanka ciidamada Kenya ee gudaha Soomaaliya.

Tom wolf oo ah madaxa baaritaanada IPSOS oo ka hadlay madasha lagu soo bandhigay war bixinta ayaa sheegay in xogta daraasadda ay ku ogaadeen in Kenyan-ka raba in ciidanka laga soo saaro Soomaliiya ay aamineen ballan qaadkii Al-shabaab ee ahaa iney joojinayaan weerarada hadii Kenya ay ciidankeeda la baxdo taas oo uu yiri aan laheyn damaanad gaar ahaan wacadkii ay u mareen iney u aari doonaan hogaamiyahoodii la dilay.

Madaxwayne Uhuru Kenyata ayaa dhowr mar oo hore sheegay in ciidamada Kenya aynan Soomaliya ka soo baxayn ilaa Al-shabaab la cirib tiro Soomaaliya ay cagaheeda dib ugu istaagto oo nabad lagu soo dabaalo dalkan ay dagaaladu ragaadiyeen dhowr iyo labaatankii sano ee la soo dhaafay.

W/D: Xafiiska daba galka Goobjoog FM