U bood dhigaalka

Darawal Mooto Bajaaj Oo Xalay Lagu Dilay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Nin darwal ka ahaaa Mooto Bajaaj ayaa xalay lagu dilay wadada makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho kadib markii la sheegay in rasaas ay ku fureen gaari ciidan oo uu gadaal socday.

Mid ka mid ah dadkii ku sugnaa halka falkaan uu ka dhacay ayaa Goobjoog news u sheegay in ragga wax dilay ay saarnaayeen gaari nooca Soomaalida u taqaanno Qooqan, islamarkaana ay ilaalo ka hayeen gaari kale oo iyaga daba socday, hase ahaatee darawalkii Bajaajta waday uu Labadii gaari kala dhex galay, taasna ay keentay in askartii gaariga Qooqanta saarnaa mid ka mid ah uu rasaas kusoo rido Bajaajlaha kadibna ay madaxa kaga dhacdo halkaasina ku dhinto.

“Meesha waxa ka dhaceen waxay ahayd wadada Makka Al-mukarrama gaar ahaan nawaaxiga Shaqaalaha, waxaa Mooto Bajaajta ka daba yimid gaari ciidan saaran yihiin oo qooqan ah, waxaana la socotay Labo askari gaari kale ayeeyna ilaalo ka hayeen, Hoon ayeey ka daba yeeriyeen seet ayuu siiyay, markii ay amoodeen ayuu wadada soo galay laakiin waxa uu kala dhex galay Qooqantii iyo gaarigii kale, durba askari ayaa soo degay xabad ayuu miraayadda hore uga dhex bixiyey bajaajta, waxaana ay madaxa kaga dhacday darwalkii” ayuu yiri Goob joogaha.

Goobta waxaa ka tagay gaarigii falkaasi geystay, iyadoo halkaasina ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo baaritaanno sameeyay.

Goobjoog News