U bood dhigaalka

Darawallada Mootooyinka Bajaajka Oo Maanta Dibadbax Ka Dhigay Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Darawalada kaxeeya Mootooyinka Bajaajta ama Seddax Lugoodka ayaa maanta waxay dibadbax ka dhigeen Wadada Makka Al-mukarrama ee Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Isgoyska KM-4.

Waxay gaadiidkii Bajaajka ahaa dhigeen bartamaha Isgoyska Lambar Afar, iyaga oo sheegay in arrimo badan ay cabasho ka yihiin.

Dibadbaxayaasha qaarkood ayaan weydiinnay sababta ay u banaanbaxayaan, waxaana ay sheegeen in shalay askari ka tirsan dowladda uu dilay mid ka mid ah Darawalada Bajaajta, sidoo kalena saaka la dhaawacay mid kale.

Waxay sidoo kale ka cabanayaa Darawalada Bajaajta wadooyinka magaalada Muqdisho qaarkood oo ay sheegeen in loo diido inay maraan sida wadada aada garoonka Aadan Cadde iyo midda horumarta xarunta madaxtooyada ee Villa Soomaaliya.

Daqiiqado badan oo dibadbaxayaasha halkaasi joogeen, islamarkaana Isgoyska KM-4 uu noqday mid aad u mashquul ah ayaa goobta waxaa gaaray Ciidamada dowladda Federaalka ah oo ugu dambeyn kala eryay dibadbaxyaasha.

DSC_9950 DSC_9954 DSC_9966 DSC_9971 DSC_9946 DSC_9945 DSC_9940 DSC_9973 DSC_9948