U bood dhigaalka

Darawallo Ka Hadlay Dib U Dhis Lagu Sameynayo Wadada Muqdisho Iyo Baladweyne

Sheeko:Dalka

Kadib hadalka soo yeeray madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ee ah in dib u dhis lagu sameynayo wada dheer ee xiriirisa magaalooyinka Baladweyne iyo Muqdisho ayaa waxaa ka hadlay hadalkaasi madaxweynaha.

Qaar kamid ah darawallada gaadiidka gobolka Shabeellaha Dhexe oo la hadlay Goobjoog News ayaa ka aragti dhiibtay hadalkaasi madaxweynaha oo ku aaddan dhismaha wadadaasi.

Waxay sheegeen in burburka ka jira wadada isku xirta gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan ay ku qabaan dhibaatooyin aad u fara badan oo ay ugu daran tahay xilli roobaadka.

“Magacaygu waa Cali Maxamuud deggan Jowhar wadana ka ah baabuurta Muqdisho, Jowhar illaa Hiiraan madaxweynaha maamulka waan soo dhoweynaynaa hadalkiisa ee ah in wadada uu inoo dhisayo, laakiin waxaan leenahay ha laga dhabeeyo, maxaa yeelay hadda ka hor madaxweyne Xasan Sheekh ayaaba sidaasi ballan qaaday balse ma aynaan dhicin” ayuu yiri darawalkaasi.

Waxaa kaloo uu tilmaamay in Muqdisho illaa Jowhar ay baabuurta rakaabka u socdaan afar saac halka marka uu roobka da’o uusan jirin wax socod ah.

Darawallada ayaa codsaday in madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cosoble ballan qaadkiisa dhismaha wadada uusan noqon hadal la iska yiri oo laga dhabeeyo sida ugu dhaqsiyaha bandanna loo dhiso wadada xiriirisa Muqdisho illaa Baladweyne.

Wixii ka dambeeyay markii ay meesha ka baxday dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa darawallada gaadiidleeyda ay la ka cabanayeen burburka ku yimid waddooyinka ay ku safraan ee gobollada Soomaaliya siiba Koonfurta, Bartmaha iyo qeybo kamid ah waqooyi bari Soomaaliya.

Goobjoog News