U bood dhigaalka

Dastuurka Soomaaliya Iyo Laalidda Awoodaha Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Xildhibaannadii golaha shacabka ee 9-kii bishan keenay mooshinka xil ka qaadista madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta ku celiyey in sidiisii u jiro mooshinka, iyaga oo madaxweynaha u soo jeediyey inuu u hoggaansamo sharciga.

Xildhibaannada qaar ayaa sidoo kale soo-jeediyey, in inta mooshinka xilka-qaadista ee xildhibaanadu soo gudbiyeen barlamaanku uga codaynayaan in uusan sameyn karin qodobada soo socda:

  1. a) In wax heshiis ah uusan geli karin.
  2. b) In uusan qofna magacaabi karin xilna ka qaadi karin.
  3. c) In uusan dalka ka bixi karin inta dacwadaadu dhinac uga dhacayso.

Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa  Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,  waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay, haddii ay go’aamisana saddex dalool labo ee labada aqal ee Baarlamaanka ayaa Madaxweynaha xilka ka qaadaya.

Dastuurkan KMG ah inkasta oo aan loo codeyn, kuma xusna sida ay noqoneyso xaaladda madaxweynaha iyo waxa ku dhacaya awoodahiisa, laakin dastuurkii 1960-kii ayaa arrintaas ka hadlay.

Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad, faqradiisa 5aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran.

Qodobka 76, faqrada (5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha.

Xildhibaannada mooshinka keenay, waxaa ay madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen: qiyaano-qaran, inuu ku xadgudbay dastuurka qaranka, sharciyada kale ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, ku xadgudbay ilaalinta karaamada aadanaha, Ku tuntay laalinta xaquuqda eedeysanaha, xeerka habka ciqaabta Soomaaliyeed, mabaadi’da federaalka heerarka kala duwan, mabaadi’ida ciidamada amniga,inuu ku gardarooday saraakiil sirdoon, inuu jabiyay xeerka cibaaqta ciidamada qalabka iyo inuu ku tuntay qaraarrada golaha Shacabka!!

Goobjoog News