Dastuurkii Hore Iyo Qaadista Dacwooyinka Dembiyada Liddiga Ku Ah Madaxweynaha

Sida ku qoran dastuurka KMG ah ee 2012-kii, qodobka 92aad ee maxkamadeynta iyo maamuus ka qaadista madaxweynaha, haddii lagu eedeeyo khiyaano-qaran, arrimo xadgudub ku ah Dastuurka ama sharciyada kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaa golaha shacabka la horgeynayaa  Hindisaha xilka-qaadista Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka,  waxaa golaha hor-keeni kara ugu yaraan saddex dalool hal dalool (1/3) xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, Maxkamadda Dastuuriga ayaa galaysa dhageysiga eedeyntu inay sal leedahay.

Mar haddii aaney jirin xilligan maxkamad dastuuri, oo dastuurka la isticmaalayo uu yahay mid KMG ah oo aan dhameystirneyn, waxaan dib u raacnay sida ay dastuurradii hore ka dhaheen dacwooyinka noocaan ah.

Dastuurkii 1960-kii, waxaa ku caddaa sida laga yeelayo qaadista dacwooyinka dembiyada liddiga ku ah madaxweynaha iyo xubnaha dowladda iyo cidda keeneysa. Qodobka 76aad ee dasruurkaas waxaa ku qoran waxyaabaha madaxweynaha lagu maxkamadeyn karo iyo habraaca loo marayo sida khiyaamo qaran.

Mas’uuliyad:

1)- Madaxwaynaha Jamhuuriyadda mas’uul kama noqon doono falal lagu sameeyay iyadoo la fulinayo hawlahiisa, marka laga reebo khiyaamo Qoran oo waawayn ama isku dayo ka soo horjeedo nidaamka Dastuurka, sida uu sharci diyaariyay.

2)- Mas’uuliyadda la xirriirta xagga sharciyada Madaxwaynaha waxaa inta kale iska leh Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirada awoodda u leh ee iyagu qaabilsan/ayidsan.

3)- Xaaladda ku saabasan khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabooyin isku day ah oo ka soo horjeeda nidaamka Dastuurka, waxaa Madaxwaynaha Jamhuriyadda dacwad loogu soo oogi karaa go’aan uu Golaha Baarlamaan ka qaatay mowduuca ay soo jeediyeen ugu yaraan shan meelood hal meel

(1/5) xubnaha Golaha laguna ansaxiyo cod-bixin qarsoodi ah oo leh aqlabiyad dhan seddax meelood laba meel (2/3) ee xildhibaanada; waxaa lagu qaadayaa maxkamadda sare oo u samaysan sida maxkamadda ugu saraysa ee caddaaladda.

4)- Xaaladaha ku xusan farqadda sare mooyaane, Madaxwanaha Jamhuriyadda lalguma qaadi karo maxkamad iyo wax ciqaab dembi ah marka laga reebo marka uu Goluhu bixiyo oggolaashihiisa, laguna ansixiyo cod-bixin qarsoodi ah ee aqlabiyad dhan seddax meelood lab meel (2/3) xubnaha xildhibanada.

5)- Ansixinta dacwad ku oogid ee khiyaamo Qaran oo wayn ama tallaabo isku day oo liddi ku ah nidaamka Dastuurka ama oggolanaasho in la bilaabo tallaabo sharci ka qaadid ee dembi kuna saabsan debmi kale ee kasta waxay u baahanayaan in si deg-deg ah loo laalo awoodaha Madaxwaynaha.

Dhinaca kale,  Isla dastuurkaas, CINWAANKA II, gaar ahaan qodobbada 101aad iyo 102aad, waxaa lagu sheegay habraaca loo marayo eedeymaha ka dhanka ah madaxweyanaha marka ay ka soo gudubto golaha shacabka.

QODOBKA 101ad: DACWO

1)- Qodobada dacwad uu soo ansixiyay Golaha Baarlamaanka ee ku cad Qodobka 76ad ama kan 84ad ayaa caddayn naa qodobada lagu eedaynayo in ay galeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda ama xubin kasta oo dowladda ka tirsan iyo cidii gacan ku siisay haddiiba ay jirto.

2)- Golaha Baarlamaanka ayaa ka soo magacaabaya xildhibaanada dhexdooda amaba bannaanka, hal ama seddax wakiil oo dembiga ku soo ooga kuwaas oo noqonaya ama fulinaya hawsha xeer–ilaaliyaha dowladda dacwad qaadista hortaalla Maxkamadda ugu saraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda.

QODOBKA 102ad

MAXKAMADDA SARE EE CADDAALADDA

Maxkamadda ugu sarraysa oo u samaysan sida Maxkamadda Sare ee Caddaaladda ayaa wadaysa qaadista dacwadaha Maxkamadeed iyadoo lagu darayo lix xubnood oo uu Guddoomiuyaha Maxkamadda si bakhtiya–nasiib ah uga soo dhex xulayo, goobta dhagaysiga dadweyanaha, liis laba iyo toban muwaadiniin ah oo u qalma in loo doorto dibutaati ama xildhibaan. Laba iyo tobanka muwaadiniinta ah waxaa soo dooranaya Golaha Baarlamaanka billowga muddo kasta, kuwaasoo laga soo dhex saarayo dad aan xubno ka ahayn Golaha.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW