U bood dhigaalka

Dawladda Soomaaliya oo Gacanta Ku Dhigtay Qaad Dooni Lagu Keenay

Sheeko:Caafimaadka

Ciidamada xoogga dalka qeybta 27-aad ayaa maanta gacanta ku dhigay Qaad laga soo deejiyey Dekadda Ceel Macaan ee gobolka Shabeellaha dhaxe iyadoo la doonayey in si sharci darro ah loo soo geliyo magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii la joojiyey keenista Qaadka Sababo la xariira xanuunka COVID-19.

Qaadka Ciidamu ay qabteen oo ahaa dhowr jawaan oo lagu keenay dooni badda soo maray ayaa laga keenay dalka Itoobiya waxaana goobtii lagu soo bandhigayey  ku sugnaa taliya Taliyaha Qeybta 27aad ee ciidamada xooga dalka Jeneraal Axmed  Maxamed Maxamuud, taliyaha ilaada canshuuraha dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto  Cabdullaahi Xasan Barrise iyo  ku-xigeenka  Xeer ilaaliyaha guud  Qaranka Axmed Cabdullaahi Maxamed.

Ciidamada ayaa marki dambe goob fagaaro ah aku gubay Qaadka.  Taliyaha Qeybta 27-aad ee ciidamada xoogga dalka oo goobta lagu gubayey Qaadka ka hadlay ayaa sheegay in Qaadka la rabay si sharci darro ah loo soo geliyey dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho  lana qabtay iyadoo laga tigtoonaanayo faafotaanka xanuunka Coronavirus.

“Waxaan fulinay inaan soo qabanno Qaadkaan oo ka soo degayey dekadaha debiiciga ah ee gobolka Shabeellaha dhexe, waxaa lagu soo qabtay dad ganacsato ah wallow ay ka carareen, Qaadkaan waxaa looga baqay faafinta cudurka halista ah ee COVID-19 oo ah cudur aad u fida” ayuu yiri taliyaha qeybta 27-aad ee xoogga dalka.

Sidoo kale taliyaha ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise ayaa ugu mahad celiyey ciidanka qeybta 27-aad ee xoogga dalka howlgalkii ay ku qabteen Qaadka , waxaana uu tilmaamay in shacabka laga badbaadiyey halis cudur waxaana uu yiri taliye Bariise isaga oo arrintaas ka hadlayo.

“Qaadka sidiisa dhan caafimaad maahan ee waa cudur,  waa labo cudur cudur waxaa uu cudur ku yahay dhaqalaha dalka ama dadka cunaayo Qaadka caafimaad in uusan laheyn  cidda cunta Og iyo ciddii cunijirtay waa ay taqaan”

Dhanka kale Ku-xigeenka xeer ilaaliyaha qaranka  Axmed Cabdullaahi Maxamed ayaa tilmaamay in qaadka uu si fudud uu u gudbiyo xanuunka Coronavirus, waxaana uu intaas ku daray in horay loo joojiyey waxaana uu yiri,

“Awaamiir ka soo baxday dowladda federaalka  Soomaaliya ayaa lagu joojiyey maadaama uu yahay sun uu xambaari karo cudurka Coronavirus ayna sahlan tahay inuu si fudud u gudbiyo maadaama ay gacmo badan ay taabanayaan”

 

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dhowaan ku dhaawaaqday inaan dalka la keeni karin Qaadka oo laga keeni jiray wadamada Kenya iyo Itoobiya cabsi laga qabo xanuunka Coronavirus oo Bariga iyo Geeska afrika lagu arkay.

Goobjoog News