U bood dhigaalka

Dawladda Maraykanka Oo War Ka Soo Saartay Xaalladda Cakiran ee Dooroshooyinka Soomaaliya.

Sheeko:Amniga

 

Washington ayaa sheegtay in ay aad uga walaacsantahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, taas oo ay ku tilmaantay in ay abuureyso hubanti la’aan siyaasadeed oo khatar ku ah xasilloonida, iyo horumarka dalka.

Xoghayaha arimahaha dibadda maraykanka antony blinken aya ku sheegay wa qoraak ah oo uu ku daabacay bartiisa Twitterka”Waxaan si qoto dheer uga walaacsanahay jahwareerka doorashooyinka ee ka jira Soomaaliya, madaxda Soomaaliya waxaa looga baahan yahay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka. Hubaal la’aan sii socota waxay wiiqaysaa amniga, xasilloonida, iyo barwaaqada

 

” Maraykanka aya sidoo kale dhinacyada soomaalida si adag ugu booriyay in ay si dhaqso leh uqabtaan doorashooyinka dalka.

“Waxaan ka boorinayna madaxda Soomaalida inay ilaaliyaan mustaqbalka dalka oo ay gaaraan heshiis si dhakhso leh loogu qabto doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha” ayaa lagu soo gabangabeeyay qoraal lagu daabacay barta rasmiga ah ee wasaarradda arimaha dibadda maraykanka.