U bood dhigaalka

Dawo Yari Ka Jirta Isbitaalka Hooyada Iyo Dhallaanka Ee Banaadir

Sheeko:Caafimaadka

Maamulka Isbitaalka Hooyada iyo Dhallaanka ee Banaadir ayaa sheegay in xilligaan dawo yari ay soo wajahday Isbitaalkaasi, xilli Isbitaalka la geeyo bukaanno aad u badan.

Agaasimaha Isbitaalkaasi C/risaaq Xasan Cali oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Isbitaalka aanu haysan dawo ku filan bukaanada, dhanka daryeelka iyo sidoo kale taageeradii wasaaradda caafimaadka oo uu sheegay in aan loo hayn sidii loo baahnaa.

Waxa uu tilmaamay agaasimaha in meesha ay ka maqan tahay taageerada dowladda Federaalka ee Isbitaalka, islamarkaana waxa uu ugu baaqay inay muujiyaan kaalintooda, maadaama isbitaalka wax loogu qabto dadka shacabka ah.

“Isbitaalka waa midka kaliya ee Bulshada sida bilaashka ah ugu adeega, waxaan idiin sheegayo ayaa ah in Isbitaalka aanu daryeel fiican ka haysan dhanka wasaaradda caafimaadka waa kuwii Isbitaalka u qeylin lahaa, waxaan ka rajeynayaa inay gartaan dadkooda baahida ay qabaan, daryeel la’aan ayaa jirta, dawo yarina sidoo kale, waxaa maqan taageeradii dowladda” ayuu yiri Agaasimaha.

Isbitaalka Banaadir ayaa si bilaash ah ugu shaqeynayay bulshada Soomaaliyeed, iyadoo dawo yaridaan hadii ay sii jirto ay saameyn ku yeelanayso muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Isbitaalkaasi wax loogu qabanayay.

Goobjoog News