U bood dhigaalka

Dayactir Lagu Sameynayo Buundada Deegaanka Tixsiile Ee Sh/hoose

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Afgooye ayaa dayactir ku billaabay Buundada yar ee deegaanka Tixsiille oo ka mi dah deegaannada Hoostaga degmadaasi.

Gudoomiyaha dhanka amniga ee maamulka Afgooye Mahdi Xasan ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News inay wadaan dayactirka Buundadan oo aad u muhiim u ah.

Waxa uu tilmaamay in gaadiidka isticmaala wadada isku xirta Afgooye iyo Wanlaweyn ay mari jireen Buundadaasi, waxaana uu sheegay in ay hadda maraan waddooyinka Qardo jeex ah.

“Maamulkeenna waxa uu wadaa dadaal badan oo ku aadan dayacti lagu sameynayo Buundadan oo muhiim u ah isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha” ayuu yiri gudoomiye ku xigeenka Afgooye.

Buundadan ayaa maalmo kahor qeyb ka mid ah la go’day gaari nooca xamuulka qaada ah oo halkaasi marayey.

Goobjoog News