U bood dhigaalka

Dayactir Lagu Sameynayo Waddo Isku Xirta Godinlabe Iyo Hobyo Ee Mudug Iyo Galgaduud

Sheeko:Dalka

Dib u habeyn ayaa lagu sameynayaa waddo dheer oo isku xiraysa degmada Hobyo iyo deegaanka Godinlabe ee gobollada Mudug iyo Galgaduud taasi oo in muddo ah aan wax dayactir ah helin.

Guddi ku howlan dhismaha wadadani ayaa sheegay in howsha hadda meel dhexe ay u marayso, islamarkaana ay mari doonto deegaanno ay ka mid yihiin Xinlabi iyo Baxdo.

Guddigan oo ka kooban Culimo, aqoonyahanno, waxgarad iyo xubno laga soo xulay bulshada inteeda kale ayaa sheegay in mudadii ay dhismaha wadeen ay halkaasi ku baxday qarash aad u badan.

Waxay tilmaameen in xilligani ay doonayaan caawinta shacabka Galmudug iyo cid walba oo wax awoodda inay kaalin ka qaataan dhismaha wadadani oo aad muhiim ugu ah shacabka.

Wadadaan ayaa dhirikeedu waxa uu yahay ku dhawaad 400 km, ballaceeduna yahay 12 miter sida guddigani warbaahinta u xaqiijiyeen.

Qarashka ku baxay dib u habeynta wadadani waxaa iska kaashaday dadka deegaannadaasi ku nool.

Deegaannada Galmudug waxaa maalmihii ugu dambeeyay ka soconayey dhismaha waddooyin aad u waaweyn kuwaasi oo in muddo ah helin dayactir ku filan.

Goobjoog News